Mr Ahmed Halane
Monday, November 11, 2024
Xaalka Kismaayo iyo walaca laga qabo is fahmi waga siyasadeed
Tuesday, January 10, 2023
State masirkiisa u gaar yahay
Mamulka Puntland waa waqoyi bari somaliya oo kmaida Jamhuriyadii la unkay 1960, marka si kale loo sharaxana wexey qeyb ka eheed Somalia Italayan oo isracii lixdankii racday Somaliland Protactared.
Magaca Puntland waa dhulkii udgonaa 30 sano oo dowladnimo ah ahmiyad gara ama tarikh gara malehern Deganadasi sida eey wariyan dadka deganada Puntland ka soo jeeda, bur-burkii kadib 1998 waxaa la yagleelay Magaca Puntland 2004 markii hishisyo is fahana lagu garay Kenya Waxaa lesla gartay in Somaliya eey Qadato Hanaanka Federalka aana waxba laga badalin 18 kii Gobal iyo Casimada Dalka lahaan jiray ee Mogdisho.
Mar walba oo aad maqasho Dowlada Federalka Somalia waxaa kugu soo dhacayo hoyadii Federalka Oo loola jedo Puntland ma is weydiisay xagey Ku qoran tahay Mamadii Federlka? Madaxweyne sheikh shariif hishisyadii Garoowe 1, Garoowe 2 iyo Galkacyo 3 ayey gogol u eheed waxaana la meal marinayey Dasturkii Qabyo Qoralka ahaa si looga gudbo Axdi Qaramadkii 2004 Inbagaati.
Inyar aan dib kuu celiyo Sanadii 2000 shirkii carta iyo dhismihii Dowladnimadii Fashilantay ee Madaxweyne Abdiqasim Puntland iyo hogankeydii Madaxweyne Abdulahi Yusuf marna kuma qanacsaneen hanankii carta oo qexayey in Somalia Yelato Dowlad dhexe sidii 1960 ilaa 1991 oo kale.
Gundhiga manta kalay imow casirigii Federalka Somalia, Dowlada Federala 2012 ayaa dhisantay waana sida eey rabeen Hoganadii kala Duwanaa Puntland iyo wax garadkooda, shanmaamul Gobaleed oo kala Ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed, Juballand iyo casimada ayaa dhashay wax caqabad oo manta ka jiraana maleh Somalia marka laga reebo Argagixisada Somalia ee Al-shabaab.
Madama ula jedkeyga iyo soyalka uu Ku qotomo talabadii Punland eey xalay xiriirrka ugu jartay Dowlada Federalka waxaa sababay hanaan siyasiyintu isku hayaan hada waa punland iyo Villa Somalia!!!.
Dhibka iyo tabashada puntland waa qaladaad ka jira Dssturka Puntland Qodobka 3 ee Dasturka Puntland wuxuu leyahay "puntland wey u madax banantahay masirkeyda hadii eey Ku qancin hanaanka eey wax u socdan".
Mar walba oo cadadis kala kulman Madaxda Puntland wexey adagsaneyso waa awoda dasturka state 1998, oo siyabo kala duwan loo macnesto wax garadka iyo Bulshada Puntland marna kum qanacsano talaabo loga foganayo somalinimada balse hoganka Puntland ee markasi jooga ayaa Ku Rux ruxda Villa Somalia !!!!.
Arinkani sidee log gudbi karaa?
Waxaa loga gudbi karaa in aado wadatashi iyo diyarinta dhismaha New Puntland oo garwaden eey ka tahay Dowlada Federalka Somalia, waa in dib u Eegis lagu sameyaa dhamaan xuduudaha State, sami qeybsiga Puntland iyo in la masaxo dhamaan qodobada ka hor imanayo Dastuurka Federalka Somaliyeed ee 2012 lagu ansixiyey dugsiga Tababarka Police ka somaliyed iskola bolosiyo.
"Puntlland waa Dowlad Madax banaan rabta iney Ku dhax nolaato Dowlada Federal oo eeysan wadagin siyasad balse eey wadagan wax dheef maliyed".
Deganada Puntland waxaa Ku yala imigartion bixiya Pasaborada wax heer qarana lagu shegi karo wuxuna si dadban u hos tagaa isla puntland.
4ta tali ciidan, lanta fulitan, lamaha Garsorka, lanta fulinta dalka iyo Sharci dajinta midna kuma lahan xafis!!!, bankiga dhexe Wakaladaha Warbahinta Qaranka midna kuma lahan xafis ama xarumo KMG " tasina wexey caden u tahay inusan Federalkuba garin Puntland.
Hooyo Federal sidee loo dhihi karaa hadeysanba deganada Puntland Ku oolin xarun Heer Qarana?.
Xalka hadii leska indho tireen waa yagleelid state siyadiisuna wafajisan tahay tan Federalka ama waa in maamulada lamidka ah eey iyaguna masirkooda u madax banan yihiin isla markaana federalka Villa Somalia mesha laga saraa curfiga soo jirenka ahaa ee masirka umada ugu gacan jiray Qaranka somaliyeed.
Monday, July 2, 2018
Fasahada Siyasaded Ee Villa Somaliya Oo Garatay In Qawiyaan Sawirana Ka Qatan Afahayeenka Galmudug
Afahayeenka Maamulka Galmudug C/laahi Xaashi Farax (Roob da’ay) ayaa malinimadii shalay laga afduubtay isgooska kaabiga ku haya Madaxtouyada Somalya oo fadhi u ah Xafiska Madaxweyne Max'med C/laahi Max'med Farmaajo iyo Ra"iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Kooxdii af dubatay Afahayeenka Maamulka Galmudug C/laahi Xaashi Farax (Roob da’ay) ayaa si kalsooni ku dheehantahay kala dagay garigiisa isla markaana gestay guri madoow asigo indhaha ka xiran,waxaana afahyeenka galmudug lagu amray in la barayo sidaas darteetna uu dhigo dhamaan dharka uu ugu horeeyo shaatiga,surwalka,garinka,bumada hoose iyo kabaha waxaana intaas kadib laga qaaday sawiro iyo vido asigoo leh waxaan ahay afahayeenka Maamulka Galmudug C/laahi Xaashi Farax (Roob da’ay),balse waxaa loogu jawabay wad aragtaa waxaan kaa qadnay sawiro iyo vido adigoo qawan hadii aad maalin danbe Dowlada Federalka aad edeen u jediso kuna qorto facebook inaad arki doonta sawiradadada adoo qawan",sidasna wuxuu afahyeenka xaqiijiyey markii uu xuriyadiisa la siiyey.
Hay'ada Nabad Sugida Qatranka wexey xaq u leedahay oo kaliya iney baarto dadka eey ugu shakiso ama eey ku heyso cadeemo qal qal galinaya amniga qaranka,madax banaanida iyo amniga guud ee dalka,wuxuuna xerarka barista shegayaan in la geeyo xarun Dowladeed ee aan a gesan guryo madow iyo cabsi galin ah.
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga Ah Ee Qofka Iyo Xaddidaadooda Qodka 13,15,16,18,19,22, dhamaan waxaa lagu xadgudbay xuquuqdii aas aasiga eheed ee bixiyey dasturkii la ansixiyey 1 agus 2012 muqdisho.
Hadaba dhacdhadan uu xaqiijiyey dhibanae Afahayeen C/laahi Xaashi Farax (Roob da’ay) ayeysan wali ka hadal ha'adaha eey quseso dhacdadan taasi oo ka marqaati keceyso in hool galkani eey wax badan ka ogayeen madaxda Dowlada ee siyaasad ahaan isaga soo horjeeda Maamulka Gamudug iyo C/laahi Xaashi Farax (Roob da’ay) .
Ahmed Halane
.
Tuesday, March 20, 2018
Kheyre Oo Hesta Fursad Uu Ku Inqilaabi Karo Madaxweyne Max'med C/laahi Max'med Farmaajo
Monday, March 19, 2018
Khiyanada Madaxweyne Farmaajo Uu Ku Dilayo Saxibkiis Ra"iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre
Madaxweyne Farmaajo oo ka faideysanayo Aragti gabnida iyo khibrad la'aanta siyaasaded ee heysata Ra"iisul Wasaare Kheyre ayuu gacanta u galiyey Seef kulul oo isla markaa aan leheen daab ka difaca kulelka sefta"balse waxaa hada la jogaa xiligii uu madaxweyne farmaajo uu dabkisa kulul ku guban lahaa Ra"iisul Wasaare Kheyre
By ahmed Halane
Email halane001@gmail.com
Tel +6281260070149
Fikirkiina waa ii muhiim
Sunday, March 18, 2018
Mudane Jawaari Iyo Kheyre Keybaa Bur Burinaya Mustaqbalka Midnimada Somaliyeed?
Wednesday, September 28, 2016
Tariikhda Ayey Galeysaa Dhacdadii Gadod
Sida aad la wada socotaan waxaa jira xifaaltan siyaasadeed iyo mid awood ku saleesan oo dhoor jeer si cad eey u arkeen bulshada somalida meel walba oo eey jogaan,waxaana xifaltan ka uu u dhexeyaa Labada Maamul Gobaleed Ee Hoos Taga Dowlada Federalka Somaliya.
Maamuladaan ayaa ah Maamulka Galmudug oo Fadhigiisu Yahay Degmada Cadaado Ee Gobalka Galgaduud iyo Maamulka Puntland Oo Fadhigiisu Yahay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobalka Nugaal.
Xifaaltanka u dhexeeya labada maamul ayaa ka bilowday in magalada gaalkacyo mid walba uu donayo in gacan ku heenta iyo maamulka ilaha dhaqalo ee Galkacyo uu si gaar ah u maamulo asigoon mid kale ka doneen tageero iyo wada shaqeen,waxaana mar walba dhaca isku dhacyo siyaasadeed kadibna dhala dagaalo dhax mara labada maamul iyagoona adegsanaya awoodaha cidamada iyo qabilada dagan Magalada Galkacyo Xarunta Gobalka Mudug.
Dagalada laba maamul ayaa soo laa,laabtay inta badana waxaa dhamesta khilaf yada nucaas ahaa ee soo maray lkn waxaan aad isku wey dinayaa dhibkii ka dhacay Gadood side loo xalin donaa?
Dhibka Ka Dhacay Gadood kofurta magalada Galkacyo wuxuu ahaa gumaad loo gestay Ciidamada Maamulka Galmudug waxaana u gestay Ciidamda La Dagalanka argagixisada ee uu hor bodayo Marekanka ee NATO waxaana warbixin lagu siiyey marekanka iney cidamadaas yihiin Xagjiriinta Al-shabaab wallow markii uu dhacay hool galka uuna soo dhamaday goobta lagu arkay ciidamadii Galmudug oo duqen arxan daro ah loo gestay,wexeena warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland sheegteen iney bixiyeen warbixintaa sidaana loo duqeye,wexena ilaa iyo haatan ku adkesanayaan in Duqentaasi loo gestay ee yihiin Al-shabaab iyagona benyey iney ciidamadaasi yihiin ciidankii galmudug oo farisin u eheed Gadood kofurta galkacyo.
Sababaha keentay qaladka intaa la eg ayaa ah Awood la,aanta Dowlada Dhexe ee Federalka Somaliya oo aan wax wargalin ah lagu siin in duqeen eey ka dhaceyso degaanka Gadood,waxaan aamin sanahay in hadii eey dowlada federalka ka warheen leheed inusan dhici lehen duqenta arxan darada ah ee loo gestay ciidamo targad u ah kuwa lagu shegay.
Cawaqib xumada ka dhalan dontaa ayaa ah in labada dhinac manta wixii ka danbeeyo eey sii kororto iyagoona lesku adegsan doono gacan walba oo shisheeye ee awood u leh iney wax gumaado,waxaana aad u sii kala figaan doona shacabka galkacyo oo ah shacab wada daga hadana kala dagan.
Waxaan sugnaa waa hadalka ka soo yeeri doona Dowlada Marekanka iyo Sida eey faahfaahin ugu bixin doonta duqenta,waxaana hubaal ah in la heli doono magtii askartii xaqdarada lagu dilay eeyna fadeexad iyo aamin xumo la kulmi donaan kuwii shisheeyaha u adegsaday walalaha galmudug.
Maamulka Puntland si cad oo jees jees ah ayuu u sheegay in dhamaan askartii la dilay eey ahayeen xagjiriin Al-shabaab ah, Masuul u hadleyey Puntland ayaa yiri “Information warbixintaasi anagaa dhiibnay si loo gumaado Maleshiyadka Al-shabaab”Asigoo ula jeedo cidanka Maamulka Galmudug,dhanka kale waxaa la sugayaa in dhawan galmudug eey ka jawaabto hadalkii ka soo yeeray maamulka Puntland iyo qorsheenta eey qorshesay gumadka lo gestay askartooda.
Maamuka galmudug ayaa garay manta gushii ugu weyneed kadib markii loo adegsaday gacan shisheeye waxaana Puntland eey ogaatay ineysan galmudug iska dhicin Karin dhanka awood ciidan sidaa darteetna eey u adegsato ciidamo shisheeye iyagoona warbixin ben abuur ah ku siiyey iney yihiin Al -shabaab ahaa yeen.
By Ahmed Halane
Thursday, March 3, 2016
Fashilkii Golaha Wasirada,hay,adaha Amaanka Iyo Tala Xumada Odaysha Dhaqanka Kofurta Somaliya
Warmurtiyedkan oo soo wada saren madaxweynaha,Re"iisul Wasaraha,Taliyaha Hay,ada Nabad Sugida,Taliyaha Ciidanka Boliiska,Wasarada Arimha Gudaha,Wasarada,amniga,Iyo Wasiirada Xukumada Dhamaan toot waxaa lesku raacay qodobo aan lagu qancin balse u dhawaa maqalkii aan qoray 29 feb bishii aan soo dhaafnay.
Qoralkii hore waxaan soo jediyey taloyin oo ahaa waxaha amaanka qaran eey u asxaan falaan umada,ciidamada amaanka iyo dadweynaha wexey u bahanyihiin isku xir iyo sida eey u kala qataan xogaha amaanka,balse waxaan horay qoralkeygii ugu sheegay ineysan Dowlada wali u bisleen xasiloonida,waayo bulshada waxaan iri ha loo sameeyo ID kaaro aqonsiyo ah dad weynaha si eey dowlada ugu tirakobnadaan lkn waxaa soo baxday ceeb ka ween,oo ah in ilaalada madaxda dowlada gaar ahaan xildhibanada iyo wasiirada dalka ee heer federalka somaliya eey qeeb ka yihiin dhibatada loo gesanayo bulshada tasina waxaa cadeen inoo ah marqaatina eey inoo fureen warmurtiyedkii ka soo baxay Xafiska Re"iisul Wasaraha 1/3/2016 eey soo sareen golaha wasiirada hay,ada nabad sugida qaranka iyo madaxweynaha wuxuuna u qornaa sidan, Qodobka Sadaxaad Farqadiis {B}•In Ciidamadda ay wataan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kale ee dawladda ay sitaan aqoonsi u gaar ah.
Waxaa halkaasi bulshada ugu soo baxay iney dowlada somaliya heyso dhibaato ka timaaday ilaalada xildhibanada iyo wasirada oo uuna ka dagi la,yahay casimada somaliya gaar ahaan mugdisho,halka bulshada eey leheed nabad galyada xumada waxaa kenay shacab dayacay wajibkoda iyo UGUS oo ka faideysatay dayacaas.
Waatahay Anigoo sii wada doona qormadan maxaa kuu baxay?
Ka Ahmed Halane Ahaan waxaa ii baxday iney xukumada iyo waxaha amanka eey is tuseen ilaalada xildhibanada iyo wasiirada iney qarkood ka danbeyaan qaraxyada iyo rabshadaha ka jira caasimada Somaliya ee Mugdisho Marka Eey halkaas wax marayaan waxaana xasuustay "heeska eey ku luqeyso fanaanada codka macaan ee khadra daahir cige ee eheed"cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer dawada lama garayoo xanuun wali kuu geed bixin"waliba fanaanadaa marka eey qadeyso hestaa wexey heysataa gacanka foneyaha kumana qadeyso makarofan".
Dalka wuxuu soo maray xalado amaan iyo mid amaan xumo oo waliba oo wadnaha farta lagu hayey waxaase maanta ka xun mida eey ku jiraan shacabka Banaadir,hay,adaha amaanka ee qaranka hadii eey qaban wayeen holihii loo igmaday garana wayen sababaha amaan xumada kentay,misane taada eey ku aroortay xafisyada sare ee sirdoonka iyo shaqsiyaadyo aan xafiskoda ku weyn karin wax walba oo soo fod saraa iney dhintaan moyee si kalana eeysan ugu tageen xafiska Dowlad nimo,waa in shacabka Banaadir ku dhaqan eey ka tashadan amaanka iyo masiirka umadooda.
Waxaa mugdisho jooga odayaal dhaqan oo sheegta iney yihiin guurtida umada waxaana wada og nahay odayashan iney dhamaan ka xadiranaa xafisyada dowlada iyagoo sheganaya baahiyo bulshada ka tur jumeyso markii loo dhibo xogaa lacag ah uu ku shubanayo jebkiisa gaarka ah iyagoon eegin yaa dhintay yaa tabaleysan,,bulshada Koofurta Iyo Bartamaha Somaliya waxaan le yahay cidna idin ma maqno-celna idin ma qodno ee waxaa ku tusaalo qadataan maamuada dalka ka jira iyo dorka nabada eey ku gareen bulshadooda.
Madaama aan la heynin talisyo ciidamo amaan oo inoo qabta holeheen amaan waa inaan ka dhalin yaro ahaan isugu abaabul naa sidaan u heli leheen nabad galyo waarta oo aan ku nolaano.
Tusale Yaal Aan Ku Heli Karno Amaanka
ma jecli inaan maanta idin celiyo hab qabiil balse qabilku mahan wax ceeb ah oo laga faano hadii lagu qabanayo wax horumar ah oo aan qabil kale ama degaan kale wax u dhibeena ma qabo inuu wax bur-burinayo maxaa yeelay bal u fiirso doorka odayaasha dhaqanka goblada waqooyi 18/5/1991 waxaa kulamo yeeshay odayaasha gobalada waqoyi ee somaliya oo markaas xal u arkayey iney umadooda ka bad baadiyaan bur-bur hor leh iyo is qab-qabsi siyaasadeed ee ka curta deganaas waxaana xalka xiligaas loo arkay in gobalada waqooyi eey isaga baxaan midnimada Somaliyeed eeyna la baxaan Somaliland Republic Iyagoona markaas ku bad baadsanyey shacabkooda,kulamas oo ka kala dhacay galbeedka gobalada Awdal Iyo Gobalka Canka Ah Ee Togdheer,waxaana kulamadaas qaban qaabiyey odayaasha dhaqanka waqoyiga,bal u fiirso nimaadka waqoyiga ka jira sanadii 1991 ilaa iyo 2016b odayaasha dhaqanka hadii eeysan aqbalin ajanda dowlada fulineyso sinaba looma dhaqan galiyo.
m,
Dhanka kale aan eegno maamulka Puntland oo aah maamul somaliyeed asigana waxaa laa aas aasay sanadii 1998 ilaa iyo maanta oo ah 2016 waxaa gacanta ku haya odayaal dhaqan oo logu yero Isimada Puntland waa maamul lamid ah kii Somaliland oo aan ka soo hadlay mana dhici karto iney maamulka puntland ka talaabsadaan Isimada Puntland bal fiir odayashii dhaqanka ee daga Koofurta Somaliya maxaan ugu cudur darnaa,ma waalan yihiin?,shacabkoda wax dhibato uguma naxaan miyaa?,mise iyagaa iibsada dhiiga umada?,intaas iyo talo xumo farabadan ayaan ku heynaa odayasheyna dhaqan ee Koofurta Iyo Bartamaha Somaliya balse hadana ma lihi ha laga tashto odayasha oo meelo kala nabada ha loo doono.
Fiiri aad u dhuux labadaan tusaale hadii uu fal ka dhaco degnada eey maamulaan Somaliland Republic iyo maamulka puntland waxaa xabsiyada la dhigaa odayasha dhaqanka qebahooda kala duwan,ka ragoo hadana saar maamulka gobaleedka kale ee puntland state wuxuu isagna xabsiyada dhigaa hadii eey dhacdo qala-laasyo nabad galyada lid ku ah odayasha dhaqanka,labadaas maamul ee aan soo shegay wexey wakilo ka yihiin shacabka masna madaxa ayaa laga dilaa oo hadii eey dhibato dhacdo ee waa in la qabtaa madaxda dhaqanka cebna mahan ilaa la soo af jarayo dhibatada nucaas oo kale iney sii xirnadaan.
Doorka odaysha dhaqanka kofurta Somaliya.
Odayaasha ka so jeeda koofurta iyo bartamaha Somaliya anigoon u eegeen badnaasho degan iyo degan yaraan toona waxaan leyahay maanta waad gabteen inaad bulshadiina aad wax u qabataan kana qabatan qaswadayasha iyo xagjiriinta UGUS waadna ka gabiseen talada dalkana aad la wadaagtaan madaxda Somaliyed oo adinka aad inoo soo xusheen waxana og nahay inaad kursi walba oo Dowlada hadii la soo magacabayo inaad u xusul dubtaan inaad geysaan qof adinkoo ku xulanaya qabilkiisa iyo is afgarad oo aad ka heshaan qofka aad xuleysaan.
Lakin waxaa aad u ficneed in odaysha dhaqanka eey isugu yimadaan talo heer qaran ah adinkoo bad baadinaya umada Somaliyed ee ku dhaqan kofurta iyo bartamaha Somaliya sameestayna dalad idin mideyso oo aad u mada ku samata bixineysaan.
Shacabka aad u tihiin odaysha dhaqanka maanta wexey u bahan yihiin shaqo adag oo lagu bad baadinayo ubadka jooga iyo kuwa maanta soo koraya kuna nol dalkoda hoyo diidayna iney galaan qaxooti ama dalkooda ugu cararaan cayayaan isa soo kashaday,iyagoona xaq u leh iney ku noladaan nabad galyo buxdo iyo ineysan dhibaato ugu imaan Dowlada iyo Kooxda xagjiriinta ah ee UGUS ex Al-shabaab oo maalin walba gumadayo shacabka aad dhasheen.
Doorka Ciidanka Amaanka Dowlada Somaliyed
Ciidanka amaanka iyo hay,adaha sar sare ee amaanka waa iney isku kenaan odaysha dhaqanka heer degmo iyo heer tuulo si Talisyada Ciidamada Loga sacido holaha loo igmaday eey ku fashilmeen si umada somaliyed eey u helaan nabad galyo ciidamadana eey u helaan nabad galyo.
Doorka Barlamanka
Barlamanka Somaliya waxaa logu yeraa aqablka Golaha Shacabka iyagoona ka yimaaday soo xulid eey soo xuleen Odayasha Dhaqanka waana iney baarlamanka eey talada dalka dib ugu celiyaan odayasha dhaqanka si oday walba uu degaankiisa uu u horsedo inuu bulshadiisa ku hago wa,da,da nabad iyo Dowlad Wanaagsa loo fahan siiyo shacbiga qebihiisa kala duwan.
Doorka Saxafada Kofurta Iyo Bartamaha Somaliya
Doorka saxafada nabad galyada eey ku dhalin kartaa waa mid la yaqaano saxafadana waa midi laba seef leh oo kala ah mid nabada dadka tusto cid walba oo nabad diid ahna bulshada ka hor keeni karto,mida labaad oo ah iney bulshada saxafada bulshada u so bandhigto wixi wanag ah oo eey ku nabad galayaan bulshada eeyna ku hagto danaha dadka "Dad weynahaan hagnaa hanuuninaa haa saawinaa dadnta ku hagnaa"waa iney qadaa mar labaad si loo helo nabad galyo iyo hotumar.
Doorka Ururada Bulshada
Ururada Bulshada rayidka ah ee koofurta iyo bartamaha Somaliya wexey maalin walbaa kenaan hoolo eey bulshada wax ugu qabtaan lakin waxaan jeclaan lahaa in maanta eey kenaan su,aasha ah sideen ku helnaa nabad galyo?xageen u marnaan bad-baadinta umadeena?Sideen ku helnaa nabad aan ku nolaano anagoon is leenin?
Farin Dhanka Amaanka Ah Iga Gaarsiiya Madaxda Qaranka
Madaxda Qaranka Dhamaan tiin waxaa ku timaden qabil iyo soo xulid umadana maanta waxaa ku bad baadin kartaan inaad soo xushaan cuqaal isimo umada bad-baadiya hadii aad le dihiin damac wax qabad si eey tariikhda idin xusto markaad xilka ka dagtaana aad ugu nolataan dalkiina guryaha quruxda badan ee aad ka dhisateen cidna eeysan idin ku heysan cidna eeysan idin ku xisaabinina dhaqalaha xafisyada aad maamushaan.
Suxufi ahmed Halane
Email halane9@yahoo.com
Indonesia Medan
Phone Numbar 006281260070149
Monday, February 29, 2016
Samata Bixinaa Bulshada,Dayaca Cidanka Amaanka Iyo Gumaadka UGUS
Maalinimadii Shalay Waxaa Weerar Ismiidaamin Ah Lagu Qaday Shacab Somaliyed Gaar Ahaan Shacabka Dagan Baydhaba Janaay Ee Gobalka Baay Xaruna U Ah Maamulka Kofur Galbeed Somaliya.Dhimashada a xaqiijiyey Ee Dadkii Rayidka Ahaa ayaa haatan Mareysa 30 Ruux Iyo 61 Dhawacyo Kala Duwan Ah halka la Shegay Iney 15 Dhawacyadaas kamidka ah eey Yihiin Kuwa ugu Daran,Shacabkii Maalinimadii Shalay La,la Eegtay werar fulenimo Ah,.
Shacabka Somaliyed waa geeri wada suge balse waxaa nasiib daro Ah Iney Maalin walba U Dhintaan dayac dhanka amaanka ah Kas Oo Inta badan ka yimaadan masuliyiinta Amaanka Heer Maamul Gobaled Iyo Mid Her Qaran Ah,waxaase Eey Tahay Is weydiinta Jogtada Ah ma Shacabka Somaliyed ayaa isku wada dhiga dabinka lagu Gumadayo Shacabka qebihiisa kala Duwan.
Wali kuma fakarin Iney shacabka Somaliyed Eey Isku dhigan dabinada,waxaase xaqiiq ah iney Sarakisha Amaanka Gobalada Dalka Iyo Heer Qaran Eeysan ka Dhexeen wada shaqen buuxda Iyo warbixinada Amaanka Dalka Oo Aan ku dhicin meel qura ama talis guud oo ciidan,sababta amaan xumada kentayna waxaan ku Sheegi karaa Iney Tahay wada Shaqeen La,aan misane Eeysan Dowlada Somaliyed Wali U bislaan Iney hirgiliso adega wada shaqeen Ee Cidamada Amaanka.
Dhismaha Talisyada Ciidamada qalabka sida waa Isku wada dhismo waana wexeyna wadagaan Darajada,kala sareenta hoganada,hool galinta cidamda,tayeenta ciidamada qaranka,balse waxaan wali la fahmin Dhismaha Ciidanka Xageen Ka Bilownaa?
Hadii maanta Dowladaha Federalka Somaliya Iyo Dowlada Dhexe Eey Sameyso Taladaan Waxaan qabaa Iney Bulshadeyda hili karaan Amaan buuxo,kala danbeen cidmada ah iyo hogaanada ciidan iney fuliyaan adeg walba Oo dhanka Amaanka Ah.
Shacabka Somaliyed Waxaa Ku Jira Dad Nucan Ah Dad ku taqususay dhismaha ciidamada,isku xirka bulshada iyo ciidamada amaanka,dad daneeya nabada dalka oo rayid ah,suxufiyiin ka danqanaya dhibatoyinka ka socda gudaha dalka, Oo aan midna la dhagesanen talda dalkana Eey Gacangta Ugu Jirto midka haya xafiskaasi.
Dowlada Federalka Somaliya Wexey Ka Gaabisay Qodobada Soo Socda La tashi La,aan Dadka Eey Maamusha misane Eey matasho,sarakil ama sarakil xigeeno Ciidamada Oo Aan wax talo ah laga siin hana qadka Amaanka Sarakil aan loo madax banaaneen Holahooda Qaran, xiriir La,aan Talisyada Amaanka Heer Gobal Iyo Heer Qaran,nin jecleysi Iyo shaqsi neceb ku Dhax Jira Talisyada Cidamada Amaanka,Kala Sarid la,aan holaha Amaanka Iyo Qabiilka, Iyo Xogaha Amaanka Oo laga dhagesto kaliya ninka Taliyuhu Jeclyahay ama amaana.
Hadaba Bulshada Maxaa Waajib Ku Ah Maxase Dowlada Waajib Ku Ah?
Anigoo Fursadan Qoralka Ah Kaga Faaideysano Waxaan Jecleestay Inaan Ka Jawabo Labadaas Su,aalood.
Mida Kowad Bulshada Maxaa Waajib Ku ah? bulshada Somaliyed waxaa waajib ku ah iney si biuxdo oo hagar la,aan ah ula shaqeyso hay,adaha Dowlada dhexe iyo Maamulada Dalka Ka Jira Misane difaacato karamadeda,amankeyda,kana fogadaan wax walba oo wax yelenayo Qaranka Somaliyed dhibaato walba oo halis ah eey arkaana iney u gudbiyaan waxaha amaanka heer Waax,Heer Degmo, Heer Gobalka ama her qaran hadba sida ugu dhaqsaha badan oo arinkaa wax loga qaban karo
Balse Markaad wareysato shacabka ku dhaqan degnada dhulka Somalida eey ka dhacaan dhibatoyinkaa waxaa ku hor taala xageen ku arkayaa taliyihii nabad sugida degmadeeda maba aqaan,ma aqaan taliyaha saldhiga degmadeyda maba aqaan gudomiye ku xigeenka amaanka ee degmadeeda haba i weydiin mid gobal iyo mid Qaran tasina wexey ku cadee neysaa iney bulshada ku dhaqan gudaha dalka Somaliya iyo Waxaha amaanka heer gobal heer qaran eysan ka dhexeen wax xiriir ah eeyna isku bahdaan marka eey soo kala dhax gasho baahiyaha adega shaqsi nimo.
Jawbta Labaad Dowlada waxa waajib ku ah iney bulshadeyda u fududeyso halka shacabka eey kala xiriir lahaayeen cidamada amaanka iyo maamulka degmadooda si markii eey arkan xalada deg deg ah ama abaabul wax yeelo ku kenaya bulshada eey ugu hortagaan,numbar call ah oo lacag la,aan lagu wici karo mar walbana hegan u ah xalada adag ee dalka ka jirto,si loo bad baadiyo qasaraha umada,ama marwalba kama bixi doono inaan media la soo farisano iyagoo dad badan dhinteen la yiraahdo waan fashilinay.
Talabada Labaad Ee Dowlada Ka Gabisay
Dowlada waxaa loga fadhiya iney bulshadeda tiriso u qebiso ID caro cadeemo ah ka war heenta bulshada rayidka,xiriir wanaaga isku xirka Talisyada Ciidamada Amaanka iyo Maamulka Degmada,iyo dadka rayidka ah is dhax galka waxaha amaanka iyo dadka rayidka ah waxaan qabaa hadii bulshada loo noqdo dad la dhooro laguna xad gudbin sharaftoda iyo amaan kooda iney amaanka dalka eey qaban karaan dadka rayidka ah iyo cidanka amaanka.
Hadii eey Dowladu Sameyso Qorshan Kaba Sii Fiican.
Dowlada iyo maamulda dalka ka jira hadii eey fududeyaan arimahan iney bulshada noqoneyso kuwo u hiiliya qaranka, qorshahan waxaa dhici karto ineysan qadan waqti dher iyo dhaqaalo farabadan, faaidana eey u tahay bulshada hool fududeyna eey u tahay Ciidanka Amaanka.
Dowlada wexey awodaa iney bulshada kala miirto una kala saarto hagaansane iyo mid hogaansami waayey ee Dowladu hogaamiso,
Kii Diidaa awaamirta Qorsha Amaanka iney xabsiga dhigto cid walba Shacabkana la siiyo sharciyo tira koob ku baxa hadii eey bulshada qadato sharciyada eey bixineyso Dowlada Iyo Dowlad Gobaled Yada waxaa hagaagaya amaanka dalka sida eey ila tahay kii ka taga aqonsigiisa ama diida inuu qadato ID aqonsi tira koobka muwadin nimo waa mid diidan inuu dalka amaan kiisa hagaago,waana kan la donayo in laga qabto Bulshada.
,waliba hadii laga bilaabo bixinta iyo diwan galinta aqonsiyada heer qaran deganada eey ka jiraan maamul gobaled yada dalka Sida Puntland,Galmudug State,Kofur Galbeed,Jubaland Sate Hiran Iyo Sh/dhexe Loona Danbeysiiyo Casimada Dalka Mugdisho,waxaan qabaa iney bulshada kala bixi doonto eeyna u kala bixi doonto UGUS AL-SHABAAB iyo dad daneenaya xasilonida dalka una hogan sama qoraha amaanka iyo xasiloonida dalka.
cid walba oo isaga kala gosheysa gobalada dalka wexey dhamaan toot qadanayaan ID aqonsi magaciisa degmada,gobalka iyo xafada uu dagan yahay arday ama shaqale dowli ama rayid hadii eey dhacaan wax dhibato ah waxaa la barayaa qofkii gobalkaas u gudbay iyo halka uu ku danbeeyo asigoona magaciisa iyo sawirkiisa lagu soo qorayo jaraaidka Dowlada iyo lona shegayo inuu tago taliska amaan ee ugu dhaw, si loo ogaado qofkaas inuuu yahay qof geestay dhibkaas la tuhmayo hadii la waayo,ama uu ka dhaga adego u hogaamista sharciga amanka Dowladu eey ciqaabto.
Lakin taasi wexey dheceysaa marka eey Dowlada Iyo Dowlad Gobaledyada Furaan Albaabada xafisyadooda shacabkana taladooda eey dhibtaan balse intey xafisyada dowlada lagu galayo qabiil iyo nin jecleysi iyo al-shabaab oo duur ku jirtaa waxba iskuma dhamaan bulshada Somaliyeed,Dowlada Somaliyeed wexey ka dhexeysaa qomiyad Somaliyed oo rajo ka qabto iney dalkooda ku noladaan,balse nolasha dad weynaha waxaa hor taagan sarakil iyo madax Somaliyeed oo dantooda tahay kursiga ku fadhi markuu ka dhamado waqtiga iska dag dalalka Reer Yurub,
Bulshada rayidka,saxafada madax banaan eey u istagan in la bad,badiyo shacabka Somaliyed ee maalin walba lagu gumadayo dalkooda hooyo,iyagoon wax dulmi ah galabsan,cid walba oo muwadin Somaliyedna waxaan ka codsanaya in uu ka qeb qaato qoshaha amaanka dalkena si eey umadeena ugu raxestaan amaan iyo nolo wanaagsan,waxaana dowladana waxaan ka codsaneynaa iney fuliso qorshaha amaan ee bulshadeyna doneyso.
Waxaan donayaa inaan ka hadlo intaan karo sidii uu dalkeyga u gaari lahaa amaan,xasiloni,kala danbeen,dad,baadin umadeena,iyo sarakisha cidankeena oo laga sacido sidey u shaqen la hayeen laguna gacan siiyo,waxaan filayaa hadii aan gacmaha is qabsano inaan ka adkaan doono kuwo shar wadayaasha ah ee cadeestay daadinta dhiiga umadeena Somaliyeed.
Hadii aad heyso talo Lagu sugi karo amaanka dalkeena ku so bandhig warbahinta dalkeena si eey u gaarto dowladeyna.
By Ahmed Halane
Email halane9@yahoo.com
Phone Numbar 006281260070149
Wednesday, July 15, 2015
Waxaan Aad Ugu Naxay Xukun Ka Dhacay Dalka Masar Walibana La Fulinayo Maalinta Ciida Warmurtiyed
umada muslimiinta gaar ahaan shacabka somaliyed wexey dhamaan wada sugayaan iney si farxad leh ay u ciidan balse ani iyo qarkin oo aad u badan waxaan ka naxsanahay xukun dhacay fulintisana la fulinayo maalinta ciida ah.Waad Faraxsan tahay Oo waxaad udiyaar garoobaysaa maalinta ciida
Laakiin walaalaheena reer masar waa maalin madow aysan waligood ilaawi doonin warbaahinta dalka masar ayaa xaqiijisay in maalin ciida la daldali doono walaalkeen qaaliga ah ee maxamed mursi madaxweynihii hore ee masar oo ay soo dorten shacabka sharafta leh ee masar.
aad baan uga xumahay waxyaalaha ay ku kacayaan dowladaha muslimka ee dabada ku wata amarada guracan ee shisheyaha la dagalama hogamiye walba oo muslim ah.
hadad xasuusato maalin ciida ayay ahayd markii isna la daldaly madaxweynihii hore Sadaam xuseen naxaristii janada alaa ka warabiyee.
umadaha muslimka ha ogadan ula jedka loo lay nayo hogamiye walba oo muslim ah oo ay tagersanyihiin shacabkiisa musliminta ah.
dilkisana lagu begayo maalinta ciida ay u tahay muslimiinta caalamka waxaan.
umada muslimka ah ee ku dhaqan mel walba 27 ramadan waxaana ka codsanayaa in duco aan ku sa gotino walaalken mursi kuwa fulinaya arinkaana waxaad ala ugu baridan in aysan fulin arinkaa oo iyaga ay ku habsato masiibo rabaani fadlan walalkena aan caawa u duceyna .
by ahmed halane
Wednesday, February 26, 2014
Xisbi Siyaasadeed Cusub Oo Maanta Lagu Dhawaaqay+Cida Ku Dhawaaqday Iyo Magaca Cusub Ee Xisbiga
Xisbiga Midnimo-Qaran (XMQ) waxaa asaaska loo dhigay 12ka bisha November 2012, hawlihii abaabulka oo soo socday intii muddadaas ka danbeysay waxaa maanta oo ah 26 bisha Feberaayo si rasmi ah ugu soo bandhigeynaa bulshada Somaaliyeed.
Asaasayaasha XMQ waxey wada rumeysanyihiin in dhibka ugu weyn ee Somaaliya soo gaaray ay sabab u tahay kali-talisnimo iyo qaanuun-jebin, loogana bixi karo dhibkaas hadii bulshda laga raro siyaasadda qabiileysan, loona raro nidaam qaran ee dimoqraadi ah oo ku imaan kara xisbiyada badan iyo dawlad-wanaagga. Sidaas darteed, waxaa XMQ go’aansaday inuu u halgamo dhisidda bulsho dimoqraadi ah oo fursadaha helitaanka hantida iyo awoodaha usimanyihiin muwaadiniintu, dhawreysana dhaqanka soo-yaalka ah iyo qiyamka Islaamka.
Si loo xaqiijiyo himilooyinka kor ku xusan, waxaa lala socodsiineynaa shacbiga Somaaliyeed inaan bilaawnay dhismaha xisbi siyaasadeed mudnaanta koobaad ka dhiganaya midnimada, nabadda iyo hormarka isla markaasna hormuud u noqonaya dib-uheshiisiinta bulshada Somaaliyeed. Sameynta xisbigaan waxey waafaqsantahay qodobka 16aad iyo qodobka 22aad (a) ee Dastuurka KMG, waxaana la waafajin doonaa qaanuunka diiwaangelinta xisbiyada marka la sameeyo.
XMQ waa xisbi siyaasadeed wadani ah, loogu talagalay inuu isbedel dhab ahna ku sameyo dhaqan siyaasadeedka ka jira dalka. Xisbigu ma aha mid shaqsi furtay, leedahay koox gaar ah, looguna tala-galay in lagu gaaro dana gaaban. Waxaa xubinimadiisa ufurantahay qof kasta oo ku qanca ujeedooyinkiisa iyo aragtidiisa, soona buuxiya shuruudaha kale ee xubinimada. Laamaha Xisbiga waxaa laga furidoonaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Arimaha Xisbiga waxaad kala socon kartaa webka hoos ku qoran.
Gudoomiyaha XMQ
Warbixin"Nin Kamid Ah Ragii Ku Taqa Susay Dil Suxufiyiinta Somaliyeed Oo Lagu Qabtay Magaala Madaxda Maamulka Galmudug
Saturday, February 15, 2014
Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliyeed Oo Laga Faafinayo Fadeexad Ka Dhan Ah+Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Oo Ka Jawaabay
Golaha Ammaanka ayaa cunno-qabateynta hubka kusoo rogtay Soomaaliya sannadii 1992-kii si loo joojiyo hubka faraha badan ee galayay Soomaaliya, kuwaasoo gacanta u galayay beelo dagaalamaya, Lamana oga sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga jawaabi doono dalabkan majaxaabinta ah ee ugu yimid UN monitoring Group.
Tuesday, January 28, 2014
Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Oo Soo Dhisay Golihii Wasiirada Cusub Ee Qeebta Ka Noqon Lahaa Hogaanka Maamulka Puntland
GOALAHA WASIIRADA
Axmwed Cilmi Cismaan (Karaash) Arrimaha gudaha iyo dowladfaha hoose
Xasan Cismaan Maxamuud Alloor Wasiika Amniga
Shire Xaaji Faarax Wasiirka Maaliyadda
Sahra siciid Nuur: Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Cali Axmed Faatax Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah
Cabdullaahi Cali Ducaale Wasiirka Xaanada xoolaha
Cali Xaaji Warsame Wasiirka Waxbarashada
Dr.Saadiq Eenow Wasiirka Caaafimaadka
Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud
Xasan Xaaji Siciid Xasan Duulista hawada & garoomada
Cabdi Ismaaciil Boos Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
Cabdullaahi Jaamac Saalax Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka
Anisa Cabdulqaadir Shiikh Muumin Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska
abdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) Wasiirka kaluumeysiga iyo kehyraadka badda
Guuleed Saalax barre Wasiirka Deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta
Maxamed Xasan Soocadde Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha
Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle Wasiirka Shaqada. Shaqaalaha Dhalinyarada
WASIIR KU-XIGEENADA
Cabdullaahi Xaashi Warsame Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose
Cabdicasiis Maxamed Adam Wasiir ku xigeenka Amniga
Axmed Yaasiin Saalax Wasiir kuxigeenka Maaliyadda
Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil Wasiir kuixgeen Dastuurka iyo Arrimaha federaalka
Siciid Faarax Maxamuud Wasiir ku xigeenka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah
Cabdiweli Seed Cilmi Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha
Prof. Maxamed Cali Faarax Wasiir ku xigeenka Waxbarashada
Aamina maxamed Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka caafimaadka
Nuur Axmed Yuasuf Wasiir kuixgeen Warfaafinta
Liibaan Beddel Maxamuud Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud
Cabdullaahi Jaamac Aruurshe Wasiir kuixgeenka Duulistan & Garoomada
Siciido Xuseen Cali Gees Wasiir ku xigeenka Beera iyo Waraabka
Maxamuud Maxamed Cali Wasiir kuxigeenka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda
Cabdirashiid Gaani Cali Wasiir kuxigeenka Dekadaha iyo gaadiidka badda
Cabdirisaaq Shire Ismaaciil Wasiir kuxigeenka Shaqada Shaqaalaha iyo Dhalinyarada
Farxiya Yusuf Xirsi Wasiir kuxigeen Haweenka iyo Arrimaha qoyska
Faarax Cali Cabdi Wasiir kuxigeen deegaanka Dalxiiska iyo duurjoogta
Cabdirisaaq Nuur Cumar Wasiir kuxigeenka ganacsiga iyo wershadaha
WASIIRU DOWLAYAAL
Axmed Siciid Cabdiraxmaan Wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo wershadaha
Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye Wasiir dowlaha jkaluumeysiga & kehyraadka badda
Cali Yusuf Jaamac Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose
Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan Wasiiru dwolaha madaxtooyada iyo xiriirka gobolada
Dr.Maxamed Cabbaas Cumar, Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah
Cabdiqani Geele Maxamuud Wasiiru Dowlaha duulista hawada & garoomada
Cabdullaahi Jaamac Casli Wasiiru Dowladaha caafimaadka
Axmed Ibraahim Cawaale Wasiiru Dowladaha Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga
Maxamuud Beeldaaje Faarax Wasiiru dowlaha Amniga.









