Friday, June 21, 2013

Shantii Danijire Ay Shalay Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyeen Golaha Wasiirada Ee Federalka Somaliya


Soo Jedin Ka timid Reysal Wasaaraha Dowlada Federalka Somaliya Ayaa Madaxweynaha dawlada federaalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Waxa Uu Aqbalay Soo Jeedinta Ka Timid Golaha Wasiirada Ee Dowlada Federalka Somaliya. 

Kal Fadhigii Maalintiishay Ee Golaha Wasiirada Federalka Somaliya Ee Maalinta Khamiista Ee Ay Kala Warbixin Qaataan Xukuumada Ayey Ku Ansixiyeen Shan Danjire Oo Kala Tagaya Dalalka Caalamka.

Danjirayaasha la magacaabay iyo dalalka loo kala magacaabayna waxay kala yihiin:-
1-Nuur Faarax Xirsi Safiirka Somaliya u fadhiyi doona Dalka Malaysiya-gudoomiyii urur siyaasadeedkii Gurmad ee Xukumada Siilanyo saaxada siyaasada Somaliland ka reebtay
2-Cali Saciid Fiqi Safiirka Somaliya u fadhiyi doona EU-da.
3-Axmed Cabdisalaan Safiirka Somaaliya u fadhiyi doona Dalka Eithopia.
4-Saciid Yuusuf Nuur oo ahaa safiirka Somaliya u fadhiya Dalka Eithopia Balse loo bedelay Tanzania.
4-Gen.Muuse Xasan Cabdulle safiirka Somaliya u fadhiyi doona Talyaaniga.



No comments:

Post a Comment