Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin Oo Laga Qoray Dhacdo La,yaab Ku Noqotay Saxaafada Caalamka Iyo Dadka La Socda Wargeysyada Caalamka.
Dhacdadan Ayaa Soo Daabacay Wargeys Si Toos Ah Ugu Soo Baxa Dalka Russia, ayaa waxa uu daabacay Dhacdo uu sameeyay Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin oo la yaab ku noqotay Shacbiga Russia iyo Siyaasiyiinta Caalamka.
Wargeysku waxa uu qoray in Madaxweynaha oo saarnaa diyaarad nooca Qumaatiga u kaca ah, taasi uu ku booqanaayay Deegaan lagu marti galiyay uu Duuliyaha ka dalbaday inuu hawada joojiyo Diyaaradda si uu u dago, kadib markii uu Wargeysku sheegay inuu Madaxweynaha Xiligaasi cabsanaa maan dooriyaha lagu ma gacaabo Qamriga oo si weyn looga cabo dalalka aan islaamka eheen.
Dhacdada uu sameeyay Madaxweynaha ayaa waxa ay la yaab ku noqotay Saraakiishii iyo duuliyihii diyaaradda la socday waxaana qalqal galay Diyaaradii kadib markii uu Madaxweynaha ku adkeystay in si deg deg ah Diyaaradda lagu joojiyo hawadda si uu u isticmaalo luguhiisa uuna ka daadago diyaarada uu waday duuliyaha gaarka ah ee madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin .
Wargeysku waxa uu Tilmaamay in Diyaaradda ay halis u gashay inay dhacdo, soona gaaro bur bur naf iyo maalba hadii ay qaadan leheed amarka madaxweynaha Dalak Ruushka Vladimir Putin.
waxa uuna sheegay Wargeysku in Madaxweynaha uu sarqaansanaa gudaha diyaaradana ku dhex feeray Sarkaalkii ugu sareeyay Saraakiishii la soctay ee u qaabishanaa duulimaadka hawada.
Nuqul kamid ah Qoraalka Wargeyska ayaa waxa uu u qornaa sida ‘’Madaxweynuhu dhaqan uma uusan laheyn in xiliyadda uu safarka yahay cabo Khamri, balse waxa ay Xiligaasi aheyd xilli xusuus gaar u laheyd Duuliyaha iyo Saraakiisha oo halis u galay in Diyaaradda ay ku waayan naftooda iyadoona sababtu ay noqoneyso Madaxweynaha oo Sarqaansanaa ama Cabsanaa’’.
Ugu dambeyntii, Wargeysku waxa uu hoosta ka xariiqay in xilliga uu Madaxweynaha ficilkaasi sameynaayay ay isku kacsanaayeen Xaaskii uu Asbuuc ka hor furay oo lagu magacaabayay Lyudmila, taasoo uu Wargeysku ku sheegay Mushkiladda koowaad ee sababtay in Madaxweynaha oo Cabsan fuulo diyaaradda.

No comments:
Post a Comment