Friday, June 28, 2013

Maxaa Sababay In Dib Loo Furo Xafiika UNPOS Ee Qaramada Midoobay Magaalada Hargeysa


Qaramada midoobay ayaa xafiiskeedii UNSOM ee ay xukuumadda Somaliland sida tooska ah u diiday in ay Hargeysa ka furato ka furtay Hargeysa iyada oo ku sharaxday boodh far waaweyn ku qoran oo laga hirgeliyay xafiiskeedii hore ee UNPOS.

Ilaa hada Xukuumadda Somaliland wax talaabo ah oo ay ka qaaday xafiiskaas Qaramada Midoobay dalkeeda ka furtay ma jirto, lamana oga sababta Qaramada midoobay xafiiskaas u furtay iyadoo Xukuumaddii Dalka ka talinaysay hore u diiday.
Sida ay ilo wareedyo toddobaadakan baahiyeen  xafiiskii hore ee Qaramada midoobay bedeshay ee UNPOS ayaa ilo wareedyo u waramay sheegeen in nidaamkiisii hore loo bedelay nidaamkan cusub, isagoo xafiiskaasi ula macaamilaya Hay’addaha kale ee Qaramada Midioobay awaamiirta cusub ee uu ku hawl-gelayo.
Sidoo kale, Shaqaalihii hore ee xafiiska UNPOS ayaa shaqadii hore ee ay hayn jireen u bedelay nidaamaka cusub ee loo bedelay inay u shaqeeyaan, waxaanay xaruntoodii hore oo ku taalay Dhabarka danbe ee Hotelka Ambassador ku xardheen magaca cusub ee xafiiskaasi oo ah UNSOM.
Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa war-saxaafadeed uu ku qabtay xarunta Madaxtooyadda ku cadeeyay in aanu xafiiskaasi ka shaqaynayn Somaliland, isagoo ku dhaliilay nidaamka cusub ee loo qorsheeyay inaanu ahayn mid khuseeya Siyaasadda Somaliland.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u soo magacawday xafiiskan oo ay hoos iman doonaan dhamaan Hay’adaha Qaramada Midoobay eek a hawl gala Somaliya ayaa kulankii ay Madaxweyne Siilaanyo yeesheen ka gaabsaday in uu ka hadlo, wallow mar danbe uu saxaafadda ku baahiyay in uu Somaliland wadahadalo dheeraad ah la geli doono.
Talaabadan Qaramada Midoobay ku talaabsatay ayaa ah mid burinaysa go’aankii ay Somaliland ka qaadatay xafiiska cusub ee ay Somaliya ka furanayaan, isla markaana imika ay ka futeen Hargeysa iyaga oo aan wax ogolaansho ah u haysan.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa toddobaadkan Wasaaradda Arrimaha Dibeda u magacaabay Wasiir cusub oo la yidhaahdo Maxamaed Biixi Yoonis, kaasoo muddo dheer ka soo shaqayn jiray Qaramada Midoobay.
Isbedelka ku yimi wasaaradda Arrimaha dibeada Somaliland ayaan la garanayn waxa uu ka qaban doonto talaabada qaramada Midoobay kula macaamilayso Somaliland, iyadoo wakhtigan labada dhinac ka taagan tahay khilaafaad siyaasadeed oo la xidhiidha dhinaca maamulka.

Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland waxa looga fadhiyaa talaabada ay ka qaadan doonto xafiiskan Qaramada Midoobay Hargeysa ka furatay ee aan lala socodsiin.

No comments:

Post a Comment