Kulan aan loo kala harin ee maanta ay yeesheen Jaarlamaanka Federalka Somaliya Ayaa maanta uu shir gudoominayay afhayeenka golaha Shacabka Ee Jamhuuriyada Somaliyeed mudane Pro Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Ajande ka koobnaa Labo Qodob waxa uu kala ahaa su’aalo weydinta Wasiirka Difaaca Ee Jamhuuriyada Somaliya Mudane Mujaahid Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo soo gudbinta ilaha dakhliga ee ku noqoshada miisaaniyadda 2013ka,iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen wasiirada gaashaandhiga iyo maaliyada ee xukuumada soomaaliya.
ugu horeyna waxa ay xildhibaanadu galeen weydiinta su’aalo ku saabsan xaalada kacsan ee ka jirta gobolka Shabeelada hoose oo la sheegay in ciidamada militariga soomaaliya ay ku lug leeyihiin su’alahaasi oo ahaa lix su’aalood oo ay wasiirka gaashaandhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi weeydiiyeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka.
Wasiirka Gaashaandhiga xukuumada soomaaliya Mujaahid C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa su’aalahasi ay xildhibaanadu weydiiyeen iyo kuwa kalaba uga jawaabay,waxana uu sheegay in wasaaradiisa ay qaaday talaabooyin ay ka mid tahay in ciidankii ku sugnaa magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose ee cabashada laga keenay ay badaleen oo ay ku badaleen ciidamo kale oo laga waday magaalada Afgooye kuwaa ilaa hada ku sugan magaaladaasi.
“Wax cabasho ah ilaa hada kama imaan ciidamadii aan geeynay magaalada marka,iyaga iyo shacabkana waxaa ka dhaxeeyso wada shaqeeyn fiican wax dhibaatada ahna ilaa hada kama taagna”ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga.
Wasiirka gaashaandhiga waxa kale oo uu sheegay in sarkaalkii laga cabanayay oo dhaawac ah laguna dawenayay isbitaalka ciidamada AMISOM hada la keenay magaalada muqdisho,baarisna ay ku socoto.
Weydiinta su’aalaha ee xildhibaanada iyo jawaabaha wasiirka gaashaandhiga kadib waxa la guda galay ajandaha kale ee ahaa soo gudbinta ilaha dhakhliga ee ku noqoshada miisaaniyada 2013ka waxaana iyadoo qoraal ah loo qeybiyay mudanayaasha,waxana wasiirka maaliyada mudane Maxamuud Xasan Suuleybaan uu xildhibaanadu u sharaxay miisaaniyada lixda bil ee soo socota iyo sida la isugu jaangoynayo dakhliga dowlada soo gala.
Dood dheer oo ay xildhibaanadu ka galeen kadibna gudoonka ayaa soo jeediyay in la ansaxiyo iyadoo xildhibaanaduna ay qaab gacan taag ah ku meel mariyaan waxana natiijada ku dhawaqay oo kulanka soo xiray mudane Maxamed Shiik Cismaan jawaari afhayeenka baarlamaanka soomaaliya.
Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in 154 xildhibaan ay ogolaadeen halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen 2 xildhibaana ay diideen.
No comments:
Post a Comment