Tuesday, July 30, 2013

Beesha Biyamaal Oo Eedeen Kicin Dagaal Sokeeye Ku Eedeeyey Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Federalka Somaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed


Dagaalo sokeeyo oo dhawaan ka qarxay gobal daris la,ah caasimada Somaliya Ee Xamar Mas’uuliyiin iyo Nabadoono iyo wax garadka beesha biyaal ayaa maanta ka hadlay dagaaladii ay dhawaan isku fara saareen beesha dhigeeda ah ee Habar Gidir.

Waxaana si cad ay u sheegeen warar dhawaan ay isla dhaxmarayeen dadka somaliyeed iyo saxaafada oo qeeb ka ahaa Xog,ogalka Dagaalada ka dhex qarxay Beesha Biyamaal Iyo Beesha Habar Gidir.

Saraakiil,Salaadiin Dhaqan, Siyaasiyiin Iyo Qeebaha Kala Gadisan Ee beesha Biya maal Ayaa Si Cad Maanta U shaaciyey in uu qeeb ka qaatay dagaalka Sokeeye Ee beelahaasi iyagoona Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaran Ee Jamhuuriyada Federalka Somaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Ay ku tilmaameen inuu qeeb ka qaatay dagaalka laba beel kadib markii ay soo bandhigeen Sir badan oo ay qarinayeen intii uu socday Dagaalkii maalmahaani ka socday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Aqoon yahaan ka soo jeeda Beesha Biimaal Xassan C/llahi Cali oo ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka uu hub geeyay Gobolka Shabeellaha Hoose Hubkaasi oo loo geeyay Ciiddamadii Habar Gidir ee la dagaalamaayay kuwa Beesha Biimaal.

‘’Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa uu Gobolka Shabeellaha Hoose keenay Hub farabadan oo loo qeybiyay Ciiddamo ka soo jeeda Beesha Habar Gidir, waxaa nasiib daro in Xukuumadda ay beel-beel ula safato Ciiddamadda, Hubkii uu keenay Wasiirka waxaa lagu keenay Gawaari ay la socdeen Ciiddamadda Dowladda lkn waxa ay ahaayen Ciidamo hal Beel ah’’ Ayuu yiri Aqoon yahaanka.

Dhanka kale, Ugaas Axmed Ugaas Sayid Cali Ugaas Xuseen, oo ah Ugaaska Beesha Biimaal, ayaa waxa uu sheegay in Dagaalkii ka dhacay Gobalka uu salfaday Ciiddamo iyo Shacab badan, Mas’uuliyada dhiigaasi daatayna waxaa iskaleh Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Wasiirka waxa uu si cad oo aan gambasho laheyn ula saftay Beesha Habar Gidir, waxa uuna Gobalka geeyay Hub uu u qeybiyay Beeshiisa’’ Ayuu yiri Ugaaska.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa lagu eedeeyay in Dagaalka iyo Colaadaha ka taagan Shabeellaha Hoose uu isaga sii huriyay, Inkastuu uu beeniyay eedeemaha lo soo jeediyay Wasiirka

No comments:

Post a Comment