Thursday, January 16, 2014

Re:iisul Wasaaraha Cusub Ee Dowlada Dhexe Ee Somaliya Oo Daqiiqado Ka Hor Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Golaha Wasiirada

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/Weli Sheekh Axmed Maxamed Ayaa Goor Dhow Ku Dhawaaqay Golaha Wasiirrada Cusub Ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ayadoo Munaasabadda Magacaabistana Ay Hada Ka Socoto Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Ra’isulwasaaraha Ayaa Tilmaamay In Magacaabistan Ay Ka Dambeyso Wadatashi Ballaaran Islamarkaana Uu Ka Ogolaadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Waxaana Uu Ka Codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka Iney Ansixiyaan Golaha Wasiirrada.
Golaha Wasiirrada Ee Uu Soo Dhisay Ra’isulwasaaraha Ayaa Ka Kooban 25Wasiir, Shan Wasiirudowle Iyo 25 Wasiir Ku Xigeen Waxaana Magacyadooda Ay Kala Yihiin Sidan:-
  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Federaalka Mudane C/Laahi Goodax Bare
  2. Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
  3. Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/Raxmaan Ducaale Beyle
  5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/Kariin Xuseen Guuleed
  6. Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase
  7. Wasiirka Dekedaha Iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin
  8. Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/Laahi Maxamed
  9. Wasiirka Garsoorka Iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/Qaadir Maxamed
  10. Wasiirka Tamarta Iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
  11. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
  12. Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel
  13. Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil
  14. Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan
  15. Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed
  16. Wasiirka Sportiga Iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali
  17. Wasiirka Hidaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed
  18. Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur
  19. Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan
  20. Wasiirka Haweenka Iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
  21.  Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow
  22. Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar
  23. Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta Iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow
  24. Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud
  25. Ku Xigeenka Ra’isulwasaaraha Ahna Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed


Wednesday, January 8, 2014

Golaaha Baarlamanka Maamul Gobaleedka Puntland Oo Doortay Madaxweyne Cusub Oo Shansana Hogaaminaya

Waxaa Goordhow Lagu Dhawaaqay Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Puntland, Kaddib Doorasho Saakay Ka Billaabatay Xarunta Golaha Baarlamaanka Ee Garoowe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Saciid Cali Shire Ayaa Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashadda,Waxaana Uu Sheegay In Madaxweynaha Cusub Uu Ee Puntland Uu Helay 33-Cod Codadka Baarlamaanka Puntland.

Wuxuu Sheegay In Cabdiraxmaan Faroole Uu Helay 32-Cod.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Ayaa Sheegay In Hal Cod Uu Xumaaday.
Intaas Kaddib Waxaa Cod Baahiyaha Lagu Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas Kaasoo Sheegay In Uu Wax Badan Ka Qababn Doono Arrimaha Puntland Shanta Sanno Ee Uu Xafiiska Joogayo.

Wuxuu U Mahadceliyay Madaxweynihii Horre Ee Faroole, Iyo Dhammaan Musharrixiinta Kale Ee Isku Soo Taagay Doorashada.

Madaxweynihii Horre Ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole Ayaa Isna Hadlay Wuxuu Sheegay In Uu Aad Ugu Faraxsan Yahay Qaabka Dimuquraadiga Ay U Dhacday Doorashada, Wuxuuna U Mahadceliyay Madaxweynaha Cusub Ee Cabdiweli Gaas.

Faroole Ayaa Shacanka Iyo Ciidaamada Puntland Ka Codsaday In Ay La Shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub Si Uu Uga Shaqeeyo Dib U Dhiska Iyo Horrumarka Puntland.

Waxaa Hadda Hadlaya Wakiilka Gaarka Ah Ee Xog Hayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabisan Soomaaliya Danjire Nichalas Kay, Kaasoo Aad U Soo Dhaweeyay Qaabka Ay U Dhacday Doorashada.
Haddaba Labada Musharrax Ee U Soo Baxay Wareega Ugu Dambeeyay Doorashada Siddee Ayey Ukala Heleen Codadka.

Wareegii Koowaad Cabdiraxmaan Faroole Ayaa Helay 27-Cod, Halka Cabdiweli Gaas Uu Helay 13-Cod.
Wareega Labaad Cabdiraxmaan Farooel Ayaa Helay 31 Cod, Gaas Wuxuu Helay 18-Cod
Wareega Seddaxaad Cabdiweli Gaas Ayaa Helay 33-Cod Halka Cabdiraxmaan Faroole Uu Helay 32-Cod, Waxaana Halaabay Hal Cod Sida Uu Sheegay Guddoomiha Baarlamaanka Puntland.

Si Kastaba, Madaxweynaha Cusub Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Waxaa Hor Yaalla Arrimo Badan Oo Ay Ka Mid Tahay In Uu Wax Badan Ka Qabto Ammaanka Puntland Oo Falal Ammaanka Lid Ku Ah Ay Dhacayeen Kaasoo Ay Ugu Dambeesay Weerarkii Ka Dhacay Boosaaso.

Friday, November 15, 2013

Xisbiga Tayo Oo Tacsi U Diraya Dadka Ay Ku Dhufatay Duufaanihii Watay Roobabka Iyo Dabeelaha Ee Dalka Somaliya

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
                                                     Masiibo Qaran
Jamhuuriyadda Fadaralka Soomaaliyeed.

Shacbi Wayhana Ummadda Soomaaliyeed.

Gobollada Ay Ka Dhaceen Masiibooyinka Qaran.

Puntland Iyo Somaliland.

Dadkii Ku Naf Iyo Xoolo Waayay Masiibada Qaran.

Iyo Dhammaan Qaranka Soomaaliyeed.

Xisbiga Tayo Party  Wuxuu Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaa Ummadda Soomaaliyeed Gaar Ahaan Qoyasakii Ay Kasoo Gaartay Dhibaatada Naf Iyo Maalba Leh, Waxaan Ilaahay Ka Baryaynaa Inuu Samir Iyo Iimaan Naga Wada Siiyo Dadkii Naftooda Ku Waayay Aafada Ka Dhacday Gobollada Woqooyi Iyo Bari. Dadkaasi Waxay Ahaayeen Dad Soomaaliyeed Oo Guud Ahaan Ka Maqan Ummadda Soomaaliyeed Kuna Geeriyooday Masiibo Rabbaani Ah Oo Ku Habsatay Qaar Kamid Ah Gobolladaas.

Waxaan Idinla Wadaagaynaa Dareen Murugo Iyo Tiiraanyo Leh Ayadoo Ay Nasaarantahay Masuuliyad Wadaninimo.

Waxaa Ummadda Soomaaliyeed Meel Kaste Oo Ay Joogtaba Laga Doonaya Inay Garagaar Dagdag Ah La Gaaraan Dadkaas Walaalahood Ah Oo Ku Dhibaataysan Goobaha Ay Ka Dhaceen Dhibaatooyinka Dabiiciga Ah.

Dhibaatadani Ma Ahan Mid Ku Kooban Deegaanada Ay Ka Dhacday Ee Waa Mid Guud Ahaan Ummadda Soomaaliyeed Oo Idil Ku Habsatay Maadaama Ay Dadkaasi Ahaayeen Dad Soomaaliyeed, Sidaas Awgeed Waxaan Ka Codsanaynaa Dadka Soomaalida Ah Ee Ku Nool Qurbaha Iyo Gudaha Dalka Inay Hiil Iyo Hooba Lagarab Istaagaan Walaalahooda La Ildaran Dhibaatada Ay U Gaysatay Masiibada Qaran.

Ugu Danbayntii Waxaan Markale Leenahay Ilaahay Ha U Naxariisto Dadkii Ku Shihiiday Masiibadaas Samirna Haka Siyo Qoysaskii Ay Ka Geeriyoodeen Ayadoo Ay Ahaayeen Dad Nagawada Baxay.

Xoghaya Laanta Xisbiga  Tayo Party Ee Dalka Sudann (Khartuum)
Mudane Maxamed C/Laahi Maxamed   (Tuulax)
Xafiiska Warqabadka Goobta.com 
By Ahmed Abdi Halane

Wednesday, November 6, 2013

Akhriso War Murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Dib U Hishiisiinta Siyaasada Ee Gobalada Jubooyinka Wajigiisa Hore Ee Ka Dhacay Muqdisho

Waxaan Halkan Idinkugu Soo Gudbinayaa War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Dib U Hishiisiinta Ahaa Ee Looga Hadlayay Aayaha Gobolada Jubooyinka Iyo Gedo Kaa Oo Muqdisho Kasocday Mudo Afar Maalin Ah.
Halkan Ka Aqriso War Murtiyeedka

War Murtiyeedka
Horudhac
Iyadoo Laga Anbaqaadayo Fulinta Iyo Hergelinta Heshiiskii Addis Ababa Ee Bishii August 2013, Dowladda Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliyeed Waxay Qabanqaabisey Shir Weyne Dib U Heshiisiineed Ee Shacabka Jubbooyinka.
Shirweynaha Oo Socday Mudadii U Dhexeesay 3 – 6 November 2013 Waxaa Ka Soo Qayb Galay 200 Xubnood Oo Ah Ergo Ka Kala Timid Degaanada Kala Duwan Ee Jubooyinka. Ergada Shirku Waxay Si Hufan Uga Falanqeeyeen Sidii Heshiis Buuxa Loo Dhex Dhigi Lahaa Bulshada Degan Jubooyinka Iyadoo Laga Anba Qaadayo Heshiiskii Adis Ababa.
Qodaba Dooda Oo Ahaa Kuwo Muhiim U Ah Dib U Heshiisiinta Iyo Nabadeenta Jubooyinka Waxay Ahaayeen:
§ Horumarinta Nabadeynta Iyo Dib U Heshiisiinta. 
§ Kordhinta Amniga Iyo Isdhexgelinta Ciidamada Iyo La Dagaalanka Argagixisada. 
§ Kor U Qaadida Adeega Bulshada Iyo Dhaqaalaha. 
Dood Dheer Ka Dib Shirweynuhu Waxay Soo Jeediyeen Talooyinka Soo Socda:
Dhinaca Nabadeynta Iyo Dib U Heshiisiinta
1. In Si Buuxda La Iskula Qaato Heshiiskii Addi Ababa Ee Bishii August 2013.
2. In Bulshada Jubbooyinku Isku Tanaasusho, Iscafiso, Islamarkaana La Isku Celiyo Wixii Hanti Ah Lana Joojiyo Wixii Colaad Hurin Kara Iyadoo Loo Dirayo Fariin Nabadeed Dhammaan Deegaanadda Jubbooyinka.
3. In Maamulka Ku Meelgaar Ah La Wada Taageero Lana Dhameystiro Si Loo Wada Dhan Yahay Oo Ay Ka Dhaxmuuqdaan Dhammaan Beelaha Dagan Jubbooyinka, Iyadoo La Tixgelinayo Xuquuqda Beelaha Laga Tirada Badan Yahay, Dawladda Federaalka In Ay Gacan Ka Geysato Fududeynta Arrintaas.
4. In Loo Wareejiyo Qaybta Dambe Ee Dib U Heshiisiinta Magaaladda Kismaayo.
5. In La Xoojiyo Kaalinta Bulshada Rayidka Ee Jubbooyinka.
Arrimaha Amniga
1. In La Dhiso Hay’addaha Amniga Qeybahooda Kala Duwan Sida Booliiska, Xooga Dalka Iyo Ciidanka Asluubta. Kuwa Ciidan Aan Noqon Karina Shaqo Abuur Loo Sameeyo.
2. In Si Nabad Ah Dib Loogu Soo Celiyo Ciidamada Jubbooyinka Ee Degan Duleedka Magaaladda Kismaayo. Lana Mideeyo Ciidama Oo Dhan.
3. In Ciidamada Loo Dhameystiro Waxyaabaha Ay U Baahan Yihiin; Tababarka,Qalabka Iyo Inla Dhiso Maxkamad Ciidamada..
4. In Deegaanada Al-Shabaab Haystaan Xoreyntooda Ay Si Wadajir Ah Iskaga Kaashadaan Maamulka KMG, Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Iyo AMISOM.
5. In La Furo Xarumo Lagu Dhaqan Celiyo Dhalinyarada La Marin Habaabiyay.
Arrimah Bulshadda
1. In La Horumariyo Kheyraadka Goboladda Jubbooyinka Sida Xoolaha, Beeraha, Kaluunka Iyo Qeyraadka Dabiiicaga; Lana Dhiiri Geliyo Ganacsiga Iyo Warshadaha Gaarka Loo Leeyahay.
2. In Lasoo Celiyo Goobihii Waxbarashada, Lana Furo Dugsiyo Xirfadeed .
3. In La Sameeyo Daryeel Caafimaad Oo Tayaysan Lana Gaarsiiyo Ilaa Heer Degmo Iyo Tuulo.
4. Dowladda Federal Iyo Bulshada Caalamka In Ay Ka Kaalmeeyaan Gobboladda Jubbooyinka Sidii Dib Loogu Soo Celin Lahaa Adeegii Bulshada.
Mahadnaq
1. Ergadda Shirweynu Waxay Mahadnaq U Soojeediyeen Dawladda Federaalka Ee Soomaaliyeed Sida Weyn Ee Isaga Xilsaareen Soo Qaban Qaabinta Iyo Higelinta Shirweynaha Dib U Heshiisiinta.

2. Ergaddu Waxay Sidoo Kale U Mahadnaqayaan Gacanta Ay Ka Geesatay Beesha Caalamka Nabadeynta Iyo Dib U Heshiisiinta Goboladda Jubbooyinka Si Gaar Ahna Waxay Ugu Mahad Naqayaan Dawladda Itoobiya Oo Dadaal Dheeraad Ah U Gashay Ka Qeyb Qaadashada Dib U Heshiisiinta Goboladda Jubbooyinka.

Thursday, September 12, 2013

Taariikh Nololeedka Amiir Oo Dhawaan Ka Tana Sulay Fikirka Hogaamiyaha Mayilka Adag Ee Ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane

Cumar Shafiiq Xamaami oo loogu yeero Abuu Mansuur Al-Amriki waxaa uu ku dhashay magaalada Dafne ee gobolka Alabama ee dalka Maraykanka 6 bishii May sanad 1984 inkastoo la sheego inuu ku barbaaray magaalada Dimishiq ee dalka Syria oo uu asal ahaan uu ka soo jeedo.
Dib ayuu ugu laabtay gobolka uu ku dhashay ee Alabama halkaasoo uu ka galay Jaamacad oo uu ka dhiganayay maadada Injineeriyada.
Sanadkii 2004 ayuu u safray magaalada Toronto ee dalka Canada halkaasoo uu ku guursaday haweeney Soomaaliyeed oo dalka Canada qaxooti ku aheyd, sanadkii 2005-tiina isaga iyo haweeneydii Soomaaliyeed ee uu qabay iyo gabar ay u dhashay waxay dageen magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Bishii November sanadkii 2006 ayaa la aaminsan yahay inuu Soomaaliya yimid kadibna uu ku biiray xoogagii maxkamdaha ee Muqdisho la wareegay isagoo markii dambe raacay Al-Shabaab oo aheyd garab ka go’ay maxaakiimtii Islaamka isla sanadkaas ayaa la xusaa inay kala tageen haweeneydii Soomaaliyeed ee uu ka soo guursaday dalka Canada.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida uu Maraykanka uga soo tagay wararka qaarna waxay sheegayaan in sanadkii 2002-dii ay isku dhaceen aabihiis taasoo keentay inuu guriga ka tago.
Bishii October sanadkii 2007 ayay aheyd markii ugu horeysay ee lagu arkay meel fagaaro ah oo Soomaaliya ku taala xilli uu tababar siinayay dagaalyahano Shabaab ka tirsan gaar ahaan waxaa la sheegayaa iney goobtaas ay aheyd xerada Maslax oo ku taala xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Abuu Mansuur Al-Amriki waxaa uu Al-Shabaab ka dhex qabtay xilal kala duwan waxaana uu mar noqday taliyaha ciidamada Al-Al-Shabaab waxaana uu ka qeyb galay dagaalo ay Shabaabku Somaaliya ku galeen.
Haween kale oo Soomaali ah ayaa la sheegaa inuu guursaday kuwaasoo uu dhawaan isheegay inay ka qafaasheen ciidamo daacad u ah hogaamiyaha Al-Shabaab.
Markii uu soo baxay khilaafka ka dhex jira Al-Shabaab Al-Amriki marar badan ayaa la sheegay in la dilay marka waxaa u baraha internet ku faafiyay sawiro muujinayay dhaawac kasoo gaaray weerar ay ku qaadeen xubno taageersan hogaamiyaha Al-Shabaab xilli uu ku sugnaa Raama Cadey.
Maraykanku waxaa uu madaxa hogaamiyahaan ku doon doonayaan lacag dhan 5 million oo Dollar oo la siinayo cidda keenta xog ku saabsan Al-Amriki.

Tuesday, August 6, 2013

Madaxweyne siilaanyo Oo Jawaab Warbaahinta U Mariyey Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland C/raxmaan Faroole

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Jawaab kulul ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeray Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya Md Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweyne Faroole ayaa khudbad uu ka jeediyay sanadguuradii 15naad ee ka soo wareegtay asaaskii Puntland waxa uu ku sheegay in Somaliland iyo dawlada Federaalku wada hadli Karin la’aantood sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweyne Faroole waxa uu sheegay in Somaliland ka waantowdo raadinta aqoosiga madax banaanida ee ay dunida ku mareyso.

“Runtii waxay ila tahay Cabdi raxmaan farole ninkaa madaxda ka ah Qoladaa Puntland in wax iskaga khaldan yahiin maxaa yeelay waxa uu u hadlay nin Aqoonsiga Somaliland gacantiisi ku jiro waxaan u sheegaynaa Ninkaa odaygaa anagu jawaabta ku haboon bixin mayno ee deegaankiisa ha u taliyo” ayuu yiiri madaxweynaha Somaliland .

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku adkeystay in Somaliland tahay dal madaxbanaan isla markaana ay xukuumadiisu sii wadi doonto wadahadalada ay kula jirto Soomaaliya.

“Runtii Madaxwaynaha Puntland ma ahan nin aan warkiisa aan miisaan u yeeli karno wayoo waxaa kaaga daliila ayuu yiri inta hadal ee uu jeediyay waxa ay ahayeen kuwa daan daansi ah maxuu uga hadli waayay deegaankiisa” ayuu yiri mar kale madaxweyne Axmed Siinlaanyo.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaan hore looga baran in uu u jawaabo siyaasiyiinta Soomaaliya ee inta badan ka hadla siyaasadaha Somaliland.

Friday, August 2, 2013

Dowlada Eritreya Oo Badanaa Lagu Tilmaamo Ineytahay Dowalad Saacida Al-shabaab Oo Ka Hadashay Sida Ay U Aragto Dowlada Federalka Somaliya

Dowlada Eritreya oo si ween loogu xantu in ay taakuleeso ururka al-shabab oo ah urur la dagaalamo dowlada federalka somaliya xiriirna la,leh urur weynaha Al-qaacida.

Dowlada Eritreya ayaa markii ugu horeysay shaacisay ineuy si buuxda u aqoonsan tahay dowlada federaalka Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud.

Ereya Desta oo ah danjiraha Eritreya u fadhiya QM ayaa sheegay in qoraal ay arintaas ku cadeynayaan u gudbiyeen golaha amaanka ee QM.

“Eritreya si buuxda ayey u aqoonsatay dowlada federaalka Somalia, arintaasna golaha amaanka waan u sheegnay hase ahaatee illaa hadda waxba iskama bedelin mowqifkeenii ku aadanaa in Somalia laga daayo fara gelinta shisheeye” ayuu intaa ku daray danjiraha.

Mar la weydiiyey iney wadahadal la galayaan xiriir diblomaasiyadeedna la sameysanayaan dowlada Somalia ayuu sheegay safiirku in taasi ay waqti qaadan doonto, isagoo xusay in xalka Soomaalida uusan ku jirin gacanta shisheeye balse uu ku jiro gacanta Soomaalida ayna tahay in iyaga loo daayo.

Eritreya ayaa horey u sheegi jirtay ineysan aqoonsaneyn wax dowlad ah oo Somalia ka 
jirta, iyadoo dowladihii dalka soo maray sanadihii u dambeeyey ku tilmaantay iney yihiin kuwo aan ku iman rabitaanka shacabka ayna dalal shisheeye soo dhoodhoobeen.

Arintan ayaa ku soo aaday iyadoo Eritreya oo go’doon siyaasadeed la geliyey sanadahan dambe ay mudooyin isku dayeysay iney la soo baxdo siyaasado furfuran si ay kaalinteedii beesha caalamka ugu soo laabato, waxayna dhowaan sheegtay iney xubinimadeedii IGAD iyo midowga Afrika oo ay horey uga baxday dib u soo ceshaneyso.

Taliayha Ciidanka AMISOM Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Warqab Uu Soo Qoray Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya


Wararka ka imaanaya dhanka iyo ilo wareedyo ku dhow xakuumada Somalia ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in Warqad uu qoray Madaxweyne Xasan Sheikh kuna socotay xafiiska Taliyaha Ciidamada AMISOM dib loogu celshay xafiiska madaxtooyadda Madaxweyne Xasan Sheikh.

Warqadaani uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud u diray Taliyaha Ciidamada AMISOM, ayaa la soo warinayaa inuu Taliyaha ku faraayay in Guddi uu dhawaan u diray inay booqdaan Xeradda Xalane iyo Hoteeladda Raaxadda ku yaalla Jaziira, uu Taliyaha dib u celshay Warqadaasi kadib markii uu ka biya diiday inuu fuliyo Codsigaasi, isagoona Taliyaha Madaxweyne Xassan u sheegay inay mamnuuc tahay in Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ay galaan gudaha Xalane iyo Hoteeladda.

Ujeedka uu Xasan Sheikh Warqadaasi ugu qoray Taliyaha ayaa ahaa si ay Gudigaasi uu magacaabay usoo Ogaadaan waxa ka socda Garoonka Muqdisho, Hay’adaha dagan Garoonka iyo dhismooyinka Garoonka ku yaala oo ka baxsan Howlaha Garoonka, hayeeshee uu Madaxweyne Xasan ku fashilmay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan ayaa ku guul dareystay Ujeedka Warqadaasi, waxa uuna aad uga xumaaday in isaga oo dalka Mas’uul ka ah la qadarin waayo qoraaladiisa, waxaana hadda laga cabsanayaa inuu bur-buro Guddiga uu Madaxweyne Xasan u magacaabay indha indheynta Goobahaasi sababo la xiriira dhanka Ammanka oo looga cabsi qabay inay Mas’uuliyiintaasi ka geystaan ama bixiyaan xogta Xalane.

Arrintaan ayaa waxa ay noqotay dhabar jab aad u xanuun badan taas oo muujinaysa in Madaxda sarre ee dowladda aysan iyagu go,aan toos ah ka gaari karin guud ahaan dalka Somalia waxayna imaanaysa xili bilihii hore askari katirsanaa ciidamada AMISOM uu dharbaaxo ku dhuftay Taliyaha ciidamada Booliska xukuumada dalka Somalia.

Wednesday, July 31, 2013

AKRISO:Hishiis Ay Si Wada Jir Ah Uwada Galeen Wasaarada Gaashaandhiga Ee Jamhuuriyada Somaliya Iyo Shirkad Ilaalida Xeebaha Somaliya


Dawlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis taariikhi ah kula saxiixatay shirkad laga leeyahay wadanka Holland taasoo ilaalin doonta badaha Soomaaliya. Shirkadan oo lagu magacaabo Atlantic Marine and Offshore Group ayaa sidoo kale loo xilsaaray tababarka ciidamadabadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal war saxaafadeed ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Eng. C/raxmaan Yariisow.
War saxaafadeedka madaxtooyadu soo saartay ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhiga dawlada federaalka uu saxiixay heshiis ay dawladu la gashay shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group oo fadhigeedu yahay wadanka Netherland.
Heshiiskan ayaa waxaa uu qeexayaa in dawlada Soomaaliya ay masuul ka tahay dhul badeedka EEZ iyo soo celinta aaga dhaqaalaha ee badda Soomaakliya.
Waxyaabaha ay shirkaddan Atlantic Marine and Offshore Group iyo dawlada Soomaaliya ku heshiiyeen ayaa ah:-
1- U kuurgalida iyo kor ka eegista aaga dhaqaalaha (Exclusive Economic Zone) EEZ.
2- Kormeerista, kontoroolista iyo amni ka dhigista aagga dhaqaalaha EEZ.
3- Xasilinta ganacsiga iyo dekedaha.
4- Difaaca kheyraadka dabiiciga.
5- Ka ilaalinta dhulka kalluumeysiga doonyaha kalluumeysiga ee sharci darrada ee ajnabiga.
6- Ka hortagida sunta iyo waxyaabaha kale ee lagu aaso badda.
7- Raadinta, badbaadinta iyo ka hortegida hawlaha tahriibka.
Sida ku cad war saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada, waxay shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group keeni doontaa maraakiib iyo doonyo dheereeya oo ilaaliya badaha iyadoo la shaqeyneysa ciidamada badda ee qaranka.
Waxay sidoo kale shirkaddu furi doontaa goobo lagu tabaro ciidamada badda ee Soomaaliyeed iyo xarumo looga gurmado dhanka badaha.
Shirkadan Atlantic Marine and Offshore Group waxay ku shaqeyneysaa wakiilna ka tahay hay’adaha maamul ee dawlada ee qaabilsan badaha iyadoo shirkadu u hogaansameyso dhammaan cunaqabateynada iyo qaraarada Qaramada Midoobay ee xayiraada hubka ee Soomaaliya.

Shacabka Reer Zinbabwe Oo Maanta U Dareeray Doorashooyinkii Madaxweyne Iyo Baarlaman


Olalaha doorashooyinka aya ahaa kuwo si nabad galyo ah kaga dhacay dalkaasi Zimbabwe, iyadoo aan lasoo sheegay wax warar qilaafaad ku salaysan oo olalaha ka dhacay.
Doorashadii ugu dambeysay ee heer madaxweyne shan sano ka hor waxay sababeen is qabqabasho la xiriira natiijada, waxaana markii dambe lagu hishiiyay dowlad wadaag.
Doorashada maanta ayaa dalkaasi ka bilaabanaysa iyadoo dadka ay u wada diyaarsan yihiin ceynta, waxayna lasoo idleyn doonaa 5 galabnimo, iyadoo natoojada la filayo in lagu dhawaaqo shan maalin gudahood.
Xaalada amaanka ayaa aad loo adkeunayaa iyadoo aad loosii adkeynayo amaanka caasimada dalkaasi ee Harare, iyadoo dadka badankood la fasaxay si ay doorashada isugu diyaariyaan.

Haraaga Al-shabaab Oo Ooda Ka Qaaday Maxaabiis Kenyaan Ah Oo Ay Inbadan Gacanta Ku Hayeen


Labo sarkaal oo ay afduubeen ciidamada Alshabaab intii lagu gudo jiray weerar ka dhacay waqooyi bari dalka Kenya sanadkii lasoo dhaafay ayaa lasii daayay, sidaasina waxaa ku dhawaaqay madaxtooyada dowlada Kenya.
“Labo Kenyan ah oo ay afduubeen Alshabaab 11 Janaayo 2012, ayaa lagu sii daayay wadahadalo lagu guuleystay oo ay sameeyeen bulshada xuduuda ee gobolka waqooyi bari”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay aqalka madaxtooyada dalka Kenya.
Labada waxay kala ahaayeen Edward Yesse Mule, wuxuu ahaa sarkaal degmo iyo Fredrick Irungu Wainaina, oo qeyn diiwaan gelinta u qaabilsan deegaanka Wajir, ayaa la sheegay in iminka ay dib ugu biireen qoysaskooda xaaladoodana ay tahay mid wanaagsan, sida warka lagu sheegay.
Marka laga soo tago sheegida sii deyntooda ma jirto faahfaahin laga bixiyay waqtiga iyo halkalaga sii daayay labadan muwaadin ee Kenyan-ka ah.
Saraakiishaan ayaa la afduubay in lagu jiray weerar ka dhan ah ciidamada booliska ee deegaanka Gerile oo ka tirsan Wajeer, oo ku yaala dhanka xuduuda Somalia.
Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay afar ciidamada booliska ah iyo hal sarkaal iyo seddex ruux ay kusoo afduubteen dadkii weerarka fuliyay, laakiin dowlada Kenya ayaanan war kasoo saarin ruuxii seddexaad iyo sida xaaladiisa tahay.
Tiro Kenyan ah oo ay ku jiraan ciidamada amaanka iyo kuwo booliska ah ayaa la sheegay in wali gacanta Alshabaab ay ku jiraan.

Tuesday, July 30, 2013

Dhalinyarad Somaliyeed Oo Sidaan Arkaya Miyaa Midoowi Kara Faalo Ku Saleesan Xaqiiqda Iyo Xogo Qarsoon Oo La Soo Bandhigay!!!


Dhalinyarada soomaaliyeed waxay u baahan yihiin midnimo somalinimo uma baahna ni n jaclaysi iyo afar jeeble c/laahi maxamed nuur.

Tan iyo markii ay burburtay dawladi dhexe ee somaliya dhalinyarada somaliyeed waxay noqdeen xaabo dabka lagu shito waxay soo mareen duruufo kala duwan oo midba mida kale ka adagtahay haba ugu darnaato markii la yiri miino isku xira oo is qarxiya.

dawladi KMG nimada ugu danbeysay ee uu madaxwaynaha ka ahaa mudane sharif sh axmed oo iyadu dhibatada ugu badan kala kulantay dhalinyarada gar ahaan kuwooda ku jira alshabab waxay ogaatay in halka laga haysto tahay dhalinyarada waxay sameysay ururki dhalinyarada qaranka somaliyeed oo uu warkiisii ugu danbeeyay marku ahaa ururka dhalinyarada jamhuuriyada dimuqraadiga somaliyed.
Marki wasarada dalinyarada shaqada shaqalaha ay so magacawday war qad uga timi Villa Somaliya uuna ku qorna mudane c/laahi m nuur loo magacaabo gudoomiyaha ururka dhalinyarada qaranka somaliyeed.
C/laahi Maxamed  Nuur waxa uu ka dhashay besha abgaal gar ahaan agoon yar oo waxa ay is xigen madaxwayne shariif.

c/lahi maxmed nuur wuxu shaqaale ka ahaaa villa somaliya gar ahan qaybta maaliyada kadib ruqsayn dhanka shaqada uga timi ayaa waxa sasab ahaan lo geeyay lana yiri kici ururki dhalinyarada.
Guud ahaan dhalinyarada inta markaa uu ku jiray dawladnimo jacayl iyo somalinimada aad ayay markiiba u soo dhaweeyeen iyagoo u balan qaaday inay la shaqeyn donan sababtoo ah wuxu ahaa ururki dhalinyaro ee ugu horeeyay tan iyo marki dawladi burbuurtay qab dawli ah ku yimi wadadi la dono haloo so mara ee.

C/laahi kaligiis lama soo magacaabin waxa la socday lix qof oo kale oo waaxaha ururku ka kooban yahay isugu jira.

markiiba uu cusbaa wuxu sameeyay dadaalo la xariira in uu ururada isu keeno kuwa gobollada iyo degmooyinka dalka halkaa oo uu lacago dhaqaale kaga soo qaadayay dawlada gar ahaan xukumadi ugu firfircooneed ee dawlda so martay ee uu r/wasaraha ka ahaa mudane farmaajo.

gud ahaan degmiyonka gobolka banadir inti markaaas ay gacanta ku haysay dawlada xiligaas ayuu ururo u sameeyay waliba geeyay rag asaga aad ugu dhaw xaga Qabyaalada.

sido kale wuxu xiriiro la sameeyay mamulada galmudug iyo puntland ururadoodi dhalinyarada xiligaas dhaman ururadaas waxay wada gaareen heshiisyo qarkood saxaafadu goob joog ka ahayd.

15 febraaayo 2011 shir jaraaid oo ay wada qabteen C/laahi Maxamed Nur iyo gudoomiyihi dhalinyarada galmudug xiligas maxamed c/lahi tuulax waxa ay halkaas ku soo bandhigeen heshiis ay wada gaareen iyo wada shaqayn ururki dhalinyarada galmudug ayaa waxa uu wakiil ka ga noqday gobollada dhexe ururka uu c/lahi gudoomiyaha ka yahay mudo yar kadib na safaro ayuu ku tagay deganada galmudug iyo puntland asaga iyo madax ka tirsan wasarad dhalinyarada.

mudada uu hawsha aqabanayo dhaman dadki lala soo magacaabay qaarkood waxaba loo diiday in ay gudaha u soo galaan xarunti dhalinyarada oo ku tiilay agagaarka madaxtooyada gar ahaan kasoo horjeedka hotel S YL halkaas oo ay wada daganayen ururka haweenka qaranka.

dhaman dhalinyarado lala soo magacbay oo gabdho iyo wilal isugu jira wa uu kala ceyrshay wuxuna hawshi ku soo koobay dhamanteed jeebkiisa.

mudada uu hawhsha ku jiray waxa jirtay safaro uu dalka dibadiisa ku tagi jiray qarkood na lacago deqo ah uu ka heli jiray iyado uu san dib ugu so celin jirin dhalinyarada gar ahaan ururadi ay heshiska wadaa galeeen.

bishi march bilowgeedi ayuu ururo badan oo dhalinyaro isugu keenay xaruntiisa kuwaa oo iyagu samaystay dallad ay ku mideysan yihin oo lagu magacabay golaha isutaga dhalinyarada somaliyeed taas oo ay wada shaqayn lahaayeen urruka dhalinyarada qaranka oo uu c/laahi m nur madaxda ka yahay.
dalladaas mudo yar kadib c/laahi wuxu u arkay in ay hawlo badan oo isaga lido ku ah samanayso wuxu bilaabay in uu burburiyo oo uu ku kala furfuro lacag qaarkood qab qabiil ugu hanjabi jiray.

dhalinyarada sidaa lagu samaynayo in badan way dacwoodeen oo waxay u tagen laamaha amanka dawlada laakiin majrin cid wax kala qabatay cabashadaas.

kadaroo dibi dhal bay ahayd shekadu waxa laislaha dawlada baa timi haba tabaryaratee Balse shekadu sidaa ma ahayn
dhaman dhalinyarada sidaa lagu samaynayo waxa raadinayan jaanis ay asaga uga wareejin lahaayeen meesha
iaydoo ay arintu sidaas tahay oo uu caburin ku hayo dhalinyarada c/laaahi Maxamed Nura ayaa waxa dhacday heshiiski kampala accord ee u dhaxeeyay laba shariif iyo r/wasarihi xiligaas mudane farmaajo.
waa tii bananbax xoog leh bilowday o iskiis isku abaulay waxa qayb ka ahaa dhalinyaradii isaga ka gadoodsanayd iyo garabka dhalinyarada xisbiga nabada iyo horumarka PDP ee uu madaxwayne xasan shikh gudoomiye ka yahay.

xisbiga xasan shikh waxa uu ka caawinayay dhalinyarada qaabkii ay si nabad ah ugu dhici lahaayeen bananbaxyada.

c/laahi m nuur oo iska dhigaya nin ka xun is casilaaada r/wasare farmaajo ayaa kulanki kasoo qaybgalay isagoo dooda ka qayb qaatay laakiin arintu sidaa way ka duwanayd oo waxa uu meesha u yimi in uu ka war geeyo villa somaliya raga mesha ku sugan iyo qorshahooda si uu oga war bixiyo.
9 june 2011 waxa bilowday bananbxi.

maalmo ayu socday malinti labaad c/lahi oo ka qaybgalay kulanki ururada bulshada rayidka ah ayaa waxa lagu balamay in lasii wado bananbaxa lana aado sayidka.
c/laahi ayaa kulanki ka dhax kacay cudur darna muujiyay oo yiri meel ban ka dag dagayaa oo hawsha sii wada.

mel kale musan aadin ee wuxu aaday villa somaliya si uu ugu shego hawsha bananbaxa ee ku soo wajahan.
dhalinyaradi ayaa aaday taalada sayidka iyago banabaxaya waxa durbadiiba meesha soo gaaray ciidamada nabadsugida oo xir xiray dhaman dhalinyaradi iyado ay qaar na ka fakadeen sida madaxdi dhalinyarada xisbiga pdp iyo gudoomiyihi hore ee dhalinyarada galmudug maxamed c/lahi tulax iyo qar kale.

waxase la xiray oo gacanta u galay gudoomiyihi golah isutaga dhalinyarada somaliyed c/fatax cali xasan
iyo qar ku xigenadisa ahaa iyo rag kale oo garaya ilaa 9 qof waxaa la geeyay dhamantood xarunta nabad sugida dawlada iaygoo hanaabdyo loo geysanayay halkaas waxa ku sugna c/lahi m nur oo ugu tagay dhalinyarada una shegay hadi ay bananbaxa joojiyaan in uu sii dayn doono kalana hadli dono.
Dhalinyaradi waxay ku adkaysatay in hadi lasii daayo ay bananbaxa sii wadi donan.
arintii waxa maqlay r/wasare farmajo kadibna si deg deg ah ayaa xabsiga looga soo daayay subixi danbe.
muhimada an u soo qaadanay banaxa lagu tagerayo farmaajo waxa an rabnay inan kaga hadalno dhacdooyinki uu ka sameyay c.laahi m nur oo runti lagu tilmaamo nin aad u ad adag kal talisnimo ka muuqato jecel in uu xilkiisa iska sii haysta lacagtana aad u ejcel oo melaha wax laga bixiyo deqaha an laga weynin.

Dhalinyaradi sidaas ahayd ayaa marki uu mesha ka baxay farmaajo iskana tagyay waxay iskugu yimaadeen kulamo gar gar ah oo arintan looga dabaalan karo ninkan caadaystay dibindaabyada dhalinyaradana meesha looga wareejiyo arintaas dadki u istaagay sida goobta.com loo xaqiijiyay waxa hormuud u ahaa gudoomiyihi hore ee dhalinyarada galmudug maxamed c/laahi tulax oo isagu qayb weyn kulahaa mudo marki lawaday wada hadal ku aaadan arinta qaar ka tirsan wasiradi dawladana la arkay qaarkoodna ku racen inay kala qayb galaan halganka iyo qaar katirsan ururada bulshada rayidka waxa laisla gartay in magacan uu ku dhagan yahay c/lahi an sidas sahlan looga warejin karin inta uu mesha joogo madaxweyne sharif waxa arinat xaqiijiyay qar wasiirada kamid aha
mudo yar kadib waxa dhalinyaro garaya dhowr urur oo ay kamid ahayen sida golaha isutaga dhalinyarada somaliyed.

Iyo ururki dhalinyarada galmudug iyo qaar kamid ah dhalinyarada rer puntland iyo ahlusunna waljamaca dhalinyaro ka soctay o laisku kenay kana so jeday gobolada dhexe iyo sido kale buhodle dhalinyaro kasoo jeday kana qayb gahsay arinataas iyo sidi kale xisbiga nabada iyo hormarka PDP oo isagu madasha shirka iyo gogoshaba fidiyay shrweyne na u qabtay dhalinyaradaas waxa ay ku dhawaqdeeen urur loo baxshay golaha sare ee dhalinyarada qaranka somaliyeed waxa gudoomiye ka noqday c/raxman axmed xayle xxogahaye gud na waxa ka ahaa maxamed c/lahi tuulax oo isagu marna ahaa gudoomiyaha dhalinyarada galmudug.

marki ay arintaas dhacday waxa hoos u wiiqatay awoodi c/lahi iyo dhalinyarada sumacadii uu ka daxlaha waxana goaha sare iskugu wada tagay dhaman dhalinyarada muqdisho jogtay kuwooda ugu firfircoon qaybahood kala duwan hawlo lataban karo na way qabteen inkastoo c/lahina carqalad ku hayay waxase aman iyo xusid mudan in uu door muuqda kulaha dhallinayradaas madaxwaynaha hada talada haya mudane xasan shikh maxamud oo isagu aad ugu caawin jiray melo badan xita waxan maqal ku hayna inu siminaro siin jiray gabagabdi iyado ay sidaas tahay wax alasoo gaaaray dorashadi madaxwaynaha.
waxa na ku guulaystay madaxwayne xasan shikh maxamud oo aad u taabacsana golaha sare ee dhalinyarada qaranka somaliyed.

c/lahi m nur markiba niyad jab iyo in laga guulaystay baa u soo muuqatay hadna waxa uu is tusay in ninka madaxwaynaha noqday uu yahay ni ay isku rer yihin malaha .
golaha sare ee dhalinyarada qaranka rajo fican baa gashay.

lkn arinti hadana sidi la moodayay ma noqon waxa laislaha dawladu inta ay ka saldhiganayso kadib c/lahi hawshisa halka ayay ku ekaan dontaaa lkn waxa sanad kadib isagoo warkiisa an media laga arkin xalay u kasoo muqday afur uu r/wasare cabdi farah shirdon saacid u qabtay dhalinyarada somaliyed.
su ashu waxay tahay ,maxa iska badalay fikirki shalay uu ka qabay xasan shikh c/lahi m nur ?
ma qabilka isku soo dhaweeyay dhalinyarada ilaa hada suaashaas ayay ku warersan yihin afkii ayaana juuqda gabay.
By Ahmed Abdi Halane

Dowlada Saaxiibtinimada La,Ah Dalka Somaliya Oo Dalka Eritrea Ku Eedeeyey In Ay Taageerto Kooxaha Xagjiriinta Al-shabaab Ee Somaliya


Dowladda Itoobiya ayaa mar kale ku eedeysay Eritrea inay sii wado taageerada ay siineyso Kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya Dina Mufti ayaa u sheegay Wargeyska Sudan Tribune in Eritrea ay qatar ku tahay dadaalada dhinaca nabada ee Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.

Mr Mufti ayaa sheegay inay hayana cadeymo la xiriiro in Eritrea wali sii wado taageerada, isla markaana ay jebineyso qaraarka Golaha ammaanka ee QM ee cunaqabateynta Hubka.

Ergeyga Eritrea u fadhiya Midowga Afrika oo ay la xiriirtay Sudan Tribune ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo eedeymahaas.

Sanadkii 2009-kii ayay aheyd markii Golaha ammaanka uu cunaqabateyn ku soo rogay Eritrea doorka taageero ee dhinaca milateriga iyo tababarka ay siiso Kooxda ku xiran Al-Qaacida.

Cunaqabateynta Golaha ammaanka ayaa laga mamnuucay saraakiisha milateriga iyo siyaasiyiinta inay safarada dhinaca dibada.

Xukuumada Asmara ayaa dhowr jeer oo hore ku cel celisay beeninta eedeymaha loogu jeediyo inay taageerto Al-Shabaab. 

Baarlamaanka Federalka Somaliya Oo Maanta Su,aalo Weydiiyey Wasiirka Difaaca Ee Dowlada Somaliya Mujaahid Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi

FIQI1
Kulan aan loo kala harin ee maanta ay yeesheen Jaarlamaanka Federalka Somaliya Ayaa maanta uu shir gudoominayay afhayeenka golaha Shacabka Ee Jamhuuriyada Somaliyeed mudane Pro Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Ajande ka koobnaa Labo Qodob waxa uu kala ahaa su’aalo weydinta Wasiirka Difaaca Ee Jamhuuriyada Somaliya Mudane Mujaahid Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo soo gudbinta ilaha dakhliga ee ku noqoshada miisaaniyadda 2013ka,iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen wasiirada gaashaandhiga iyo maaliyada ee xukuumada soomaaliya.

ugu horeyna waxa ay xildhibaanadu galeen weydiinta su’aalo ku saabsan xaalada kacsan ee ka jirta gobolka Shabeelada hoose oo la sheegay in ciidamada militariga soomaaliya ay ku lug leeyihiin su’alahaasi oo ahaa lix su’aalood oo ay wasiirka gaashaandhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi weeydiiyeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka.

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumada soomaaliya Mujaahid C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa su’aalahasi ay xildhibaanadu weydiiyeen iyo kuwa kalaba uga jawaabay,waxana uu sheegay in wasaaradiisa ay qaaday talaabooyin ay ka mid tahay in ciidankii ku sugnaa magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose ee cabashada laga keenay ay badaleen oo ay ku badaleen ciidamo kale oo laga waday magaalada Afgooye kuwaa ilaa hada ku sugan magaaladaasi.

“Wax cabasho ah ilaa hada kama imaan ciidamadii aan geeynay magaalada marka,iyaga iyo shacabkana waxaa ka dhaxeeyso wada shaqeeyn fiican wax dhibaatada ahna ilaa hada kama taagna”ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga.
Wasiirka gaashaandhiga waxa kale oo uu sheegay in sarkaalkii laga cabanayay oo dhaawac ah laguna dawenayay isbitaalka ciidamada AMISOM hada la keenay magaalada muqdisho,baarisna ay ku socoto.

Weydiinta su’aalaha ee xildhibaanada iyo jawaabaha wasiirka gaashaandhiga kadib waxa la guda galay ajandaha kale ee ahaa soo gudbinta ilaha dhakhliga ee ku noqoshada miisaaniyada 2013ka waxaana iyadoo qoraal ah loo qeybiyay mudanayaasha,waxana wasiirka maaliyada mudane Maxamuud Xasan Suuleybaan uu xildhibaanadu u sharaxay miisaaniyada lixda bil ee soo socota iyo sida la isugu jaangoynayo dakhliga dowlada soo gala.

Dood dheer oo ay xildhibaanadu ka galeen kadibna gudoonka ayaa soo jeediyay in la ansaxiyo iyadoo xildhibaanaduna ay qaab gacan taag ah ku meel mariyaan waxana natiijada ku dhawaqay oo kulanka soo xiray mudane Maxamed Shiik Cismaan jawaari afhayeenka baarlamaanka soomaaliya.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in 154 xildhibaan ay ogolaadeen halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen 2 xildhibaana ay diideen.

Beesha Biyamaal Oo Eedeen Kicin Dagaal Sokeeye Ku Eedeeyey Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Federalka Somaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed


Dagaalo sokeeyo oo dhawaan ka qarxay gobal daris la,ah caasimada Somaliya Ee Xamar Mas’uuliyiin iyo Nabadoono iyo wax garadka beesha biyaal ayaa maanta ka hadlay dagaaladii ay dhawaan isku fara saareen beesha dhigeeda ah ee Habar Gidir.

Waxaana si cad ay u sheegeen warar dhawaan ay isla dhaxmarayeen dadka somaliyeed iyo saxaafada oo qeeb ka ahaa Xog,ogalka Dagaalada ka dhex qarxay Beesha Biyamaal Iyo Beesha Habar Gidir.

Saraakiil,Salaadiin Dhaqan, Siyaasiyiin Iyo Qeebaha Kala Gadisan Ee beesha Biya maal Ayaa Si Cad Maanta U shaaciyey in uu qeeb ka qaatay dagaalka Sokeeye Ee beelahaasi iyagoona Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaran Ee Jamhuuriyada Federalka Somaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Ay ku tilmaameen inuu qeeb ka qaatay dagaalka laba beel kadib markii ay soo bandhigeen Sir badan oo ay qarinayeen intii uu socday Dagaalkii maalmahaani ka socday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Aqoon yahaan ka soo jeeda Beesha Biimaal Xassan C/llahi Cali oo ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka uu hub geeyay Gobolka Shabeellaha Hoose Hubkaasi oo loo geeyay Ciiddamadii Habar Gidir ee la dagaalamaayay kuwa Beesha Biimaal.

‘’Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa uu Gobolka Shabeellaha Hoose keenay Hub farabadan oo loo qeybiyay Ciiddamo ka soo jeeda Beesha Habar Gidir, waxaa nasiib daro in Xukuumadda ay beel-beel ula safato Ciiddamadda, Hubkii uu keenay Wasiirka waxaa lagu keenay Gawaari ay la socdeen Ciiddamadda Dowladda lkn waxa ay ahaayen Ciidamo hal Beel ah’’ Ayuu yiri Aqoon yahaanka.

Dhanka kale, Ugaas Axmed Ugaas Sayid Cali Ugaas Xuseen, oo ah Ugaaska Beesha Biimaal, ayaa waxa uu sheegay in Dagaalkii ka dhacay Gobalka uu salfaday Ciiddamo iyo Shacab badan, Mas’uuliyada dhiigaasi daatayna waxaa iskaleh Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Wasiirka waxa uu si cad oo aan gambasho laheyn ula saftay Beesha Habar Gidir, waxa uuna Gobalka geeyay Hub uu u qeybiyay Beeshiisa’’ Ayuu yiri Ugaaska.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa lagu eedeeyay in Dagaalka iyo Colaadaha ka taagan Shabeellaha Hoose uu isaga sii huriyay, Inkastuu uu beeniyay eedeemaha lo soo jeediyay Wasiirka