Friday, November 15, 2013

Xisbiga Tayo Oo Tacsi U Diraya Dadka Ay Ku Dhufatay Duufaanihii Watay Roobabka Iyo Dabeelaha Ee Dalka Somaliya

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
                                                     Masiibo Qaran
Jamhuuriyadda Fadaralka Soomaaliyeed.

Shacbi Wayhana Ummadda Soomaaliyeed.

Gobollada Ay Ka Dhaceen Masiibooyinka Qaran.

Puntland Iyo Somaliland.

Dadkii Ku Naf Iyo Xoolo Waayay Masiibada Qaran.

Iyo Dhammaan Qaranka Soomaaliyeed.

Xisbiga Tayo Party  Wuxuu Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaa Ummadda Soomaaliyeed Gaar Ahaan Qoyasakii Ay Kasoo Gaartay Dhibaatada Naf Iyo Maalba Leh, Waxaan Ilaahay Ka Baryaynaa Inuu Samir Iyo Iimaan Naga Wada Siiyo Dadkii Naftooda Ku Waayay Aafada Ka Dhacday Gobollada Woqooyi Iyo Bari. Dadkaasi Waxay Ahaayeen Dad Soomaaliyeed Oo Guud Ahaan Ka Maqan Ummadda Soomaaliyeed Kuna Geeriyooday Masiibo Rabbaani Ah Oo Ku Habsatay Qaar Kamid Ah Gobolladaas.

Waxaan Idinla Wadaagaynaa Dareen Murugo Iyo Tiiraanyo Leh Ayadoo Ay Nasaarantahay Masuuliyad Wadaninimo.

Waxaa Ummadda Soomaaliyeed Meel Kaste Oo Ay Joogtaba Laga Doonaya Inay Garagaar Dagdag Ah La Gaaraan Dadkaas Walaalahood Ah Oo Ku Dhibaataysan Goobaha Ay Ka Dhaceen Dhibaatooyinka Dabiiciga Ah.

Dhibaatadani Ma Ahan Mid Ku Kooban Deegaanada Ay Ka Dhacday Ee Waa Mid Guud Ahaan Ummadda Soomaaliyeed Oo Idil Ku Habsatay Maadaama Ay Dadkaasi Ahaayeen Dad Soomaaliyeed, Sidaas Awgeed Waxaan Ka Codsanaynaa Dadka Soomaalida Ah Ee Ku Nool Qurbaha Iyo Gudaha Dalka Inay Hiil Iyo Hooba Lagarab Istaagaan Walaalahooda La Ildaran Dhibaatada Ay U Gaysatay Masiibada Qaran.

Ugu Danbayntii Waxaan Markale Leenahay Ilaahay Ha U Naxariisto Dadkii Ku Shihiiday Masiibadaas Samirna Haka Siyo Qoysaskii Ay Ka Geeriyoodeen Ayadoo Ay Ahaayeen Dad Nagawada Baxay.

Xoghaya Laanta Xisbiga  Tayo Party Ee Dalka Sudann (Khartuum)
Mudane Maxamed C/Laahi Maxamed   (Tuulax)
Xafiiska Warqabadka Goobta.com 
By Ahmed Abdi Halane

No comments:

Post a Comment