Monday, February 29, 2016

Samata Bixinaa Bulshada,Dayaca Cidanka Amaanka Iyo Gumaadka UGUS

Maalinimadii Shalay Waxaa Weerar Ismiidaamin Ah Lagu Qaday Shacab Somaliyed Gaar Ahaan Shacabka Dagan Baydhaba Janaay Ee Gobalka Baay  Xaruna U Ah Maamulka Kofur Galbeed Somaliya.

Dhimashada a xaqiijiyey Ee Dadkii Rayidka Ahaa ayaa haatan Mareysa 30 Ruux Iyo 61 Dhawacyo Kala Duwan Ah halka la Shegay Iney 15 Dhawacyadaas kamidka ah eey Yihiin Kuwa ugu Daran,Shacabkii Maalinimadii Shalay La,la Eegtay werar fulenimo Ah,.

Shacabka  Somaliyed waa geeri wada suge balse waxaa nasiib daro Ah Iney Maalin walba U Dhintaan dayac dhanka amaanka ah Kas Oo Inta badan ka yimaadan masuliyiinta Amaanka Heer Maamul Gobaled Iyo Mid Her Qaran Ah,waxaase Eey Tahay Is weydiinta Jogtada Ah ma Shacabka Somaliyed ayaa isku wada dhiga dabinka lagu Gumadayo Shacabka qebihiisa kala Duwan.

Wali kuma fakarin Iney shacabka Somaliyed Eey Isku dhigan dabinada,waxaase xaqiiq ah iney Sarakisha Amaanka Gobalada Dalka Iyo Heer Qaran Eeysan ka Dhexeen wada shaqen buuxda Iyo warbixinada Amaanka Dalka Oo Aan ku dhicin meel qura ama talis guud oo ciidan,sababta amaan xumada kentayna waxaan ku Sheegi karaa Iney Tahay wada Shaqeen La,aan misane Eeysan Dowlada Somaliyed Wali U bislaan Iney hirgiliso adega wada shaqeen Ee Cidamada Amaanka.

Dhismaha Talisyada Ciidamada qalabka sida waa Isku wada dhismo waana wexeyna wadagaan Darajada,kala sareenta hoganada,hool galinta cidamda,tayeenta ciidamada qaranka,balse waxaan wali la fahmin Dhismaha Ciidanka Xageen Ka Bilownaa?

Hadii maanta Dowladaha Federalka Somaliya Iyo Dowlada Dhexe Eey Sameyso Taladaan Waxaan qabaa Iney Bulshadeyda hili karaan Amaan buuxo,kala danbeen cidmada ah iyo hogaanada ciidan iney fuliyaan adeg walba Oo dhanka Amaanka Ah.

Shacabka Somaliyed Waxaa Ku Jira Dad Nucan Ah Dad ku taqususay dhismaha ciidamada,isku xirka bulshada iyo ciidamada amaanka,dad daneeya nabada dalka oo rayid ah,suxufiyiin ka danqanaya dhibatoyinka ka socda gudaha dalka, Oo aan midna la dhagesanen talda dalkana Eey Gacangta Ugu Jirto midka haya xafiskaasi.


Dowlada Federalka Somaliya Wexey Ka Gaabisay Qodobada Soo Socda La tashi La,aan Dadka Eey Maamusha misane Eey matasho,sarakil ama sarakil xigeeno Ciidamada Oo Aan wax talo ah laga siin hana qadka Amaanka Sarakil aan loo madax banaaneen Holahooda Qaran, xiriir La,aan Talisyada Amaanka Heer Gobal Iyo Heer Qaran,nin jecleysi Iyo shaqsi neceb ku Dhax Jira Talisyada Cidamada Amaanka,Kala Sarid la,aan holaha Amaanka Iyo Qabiilka, Iyo Xogaha Amaanka Oo laga dhagesto kaliya ninka Taliyuhu Jeclyahay ama amaana.

Hadaba Bulshada Maxaa Waajib Ku Ah Maxase Dowlada Waajib Ku Ah?

Anigoo Fursadan Qoralka Ah Kaga Faaideysano Waxaan Jecleestay Inaan Ka Jawabo Labadaas Su,aalood.

Mida Kowad Bulshada Maxaa Waajib Ku ah? bulshada Somaliyed waxaa waajib ku ah iney si biuxdo oo hagar la,aan ah ula shaqeyso hay,adaha Dowlada dhexe iyo Maamulada Dalka Ka Jira Misane difaacato karamadeda,amankeyda,kana fogadaan wax walba oo wax yelenayo Qaranka Somaliyed dhibaato walba oo halis ah eey arkaana iney u gudbiyaan waxaha amaanka heer Waax,Heer Degmo, Heer Gobalka ama her qaran hadba sida ugu dhaqsaha badan oo arinkaa wax loga qaban karo

Balse Markaad wareysato shacabka ku dhaqan degnada dhulka Somalida eey ka dhacaan dhibatoyinkaa waxaa ku hor taala xageen ku arkayaa taliyihii nabad sugida degmadeeda maba aqaan,ma aqaan taliyaha saldhiga degmadeyda maba aqaan gudomiye ku xigeenka amaanka ee degmadeeda haba i weydiin mid gobal iyo mid Qaran tasina wexey ku cadee neysaa iney bulshada ku dhaqan gudaha dalka Somaliya iyo Waxaha amaanka heer gobal heer qaran eysan ka dhexeen wax xiriir ah eeyna isku bahdaan marka eey soo kala dhax gasho baahiyaha adega shaqsi nimo.


Jawbta Labaad Dowlada waxa waajib ku ah iney bulshadeyda u fududeyso halka shacabka eey kala xiriir lahaayeen cidamada amaanka iyo maamulka degmadooda si markii eey arkan xalada deg deg ah ama abaabul wax yeelo ku kenaya bulshada eey ugu hortagaan,numbar call ah oo lacag la,aan lagu wici karo mar walbana hegan u ah xalada adag ee dalka ka jirto,si loo bad baadiyo qasaraha umada,ama marwalba kama bixi doono inaan media la soo farisano iyagoo dad badan dhinteen la yiraahdo waan fashilinay.

Talabada Labaad Ee Dowlada Ka Gabisay


 Dowlada waxaa loga fadhiya iney bulshadeda tiriso u qebiso ID caro cadeemo ah ka war heenta bulshada rayidka,xiriir wanaaga isku xirka Talisyada Ciidamada Amaanka iyo Maamulka Degmada,iyo dadka rayidka ah is dhax galka waxaha amaanka iyo dadka rayidka ah waxaan qabaa hadii bulshada loo noqdo dad la dhooro laguna xad gudbin sharaftoda iyo amaan kooda iney amaanka dalka eey qaban karaan dadka rayidka ah iyo cidanka amaanka.

Hadii eey Dowladu Sameyso Qorshan Kaba Sii Fiican.


Dowlada iyo maamulda dalka ka jira hadii eey fududeyaan arimahan iney bulshada noqoneyso kuwo u hiiliya qaranka, qorshahan waxaa dhici karto ineysan qadan waqti dher iyo dhaqaalo farabadan, faaidana eey u tahay bulshada hool fududeyna eey u tahay Ciidanka Amaanka.

Dowlada wexey awodaa iney bulshada kala miirto una kala saarto hagaansane iyo mid hogaansami waayey ee Dowladu hogaamiso,

Kii Diidaa awaamirta Qorsha Amaanka iney xabsiga dhigto cid walba Shacabkana la siiyo sharciyo tira koob ku baxa hadii eey bulshada qadato sharciyada eey bixineyso Dowlada Iyo Dowlad Gobaled Yada waxaa hagaagaya amaanka dalka sida eey ila tahay kii ka taga aqonsigiisa ama diida inuu qadato ID aqonsi tira koobka muwadin nimo waa mid diidan inuu dalka amaan kiisa hagaago,waana kan la donayo in laga qabto Bulshada.

,waliba hadii laga bilaabo bixinta iyo diwan galinta aqonsiyada heer qaran deganada eey ka jiraan maamul gobaled yada dalka Sida Puntland,Galmudug State,Kofur Galbeed,Jubaland Sate Hiran Iyo Sh/dhexe Loona Danbeysiiyo Casimada Dalka Mugdisho,waxaan qabaa iney bulshada kala bixi doonto eeyna u kala bixi doonto UGUS AL-SHABAAB iyo dad daneenaya xasilonida dalka una hogan sama qoraha amaanka iyo xasiloonida dalka.

cid walba oo isaga kala gosheysa gobalada dalka wexey dhamaan toot qadanayaan ID aqonsi magaciisa degmada,gobalka iyo xafada uu dagan yahay arday ama shaqale dowli ama rayid hadii eey dhacaan wax dhibato ah waxaa la barayaa qofkii gobalkaas u gudbay iyo halka uu ku danbeeyo asigoona magaciisa iyo sawirkiisa lagu soo qorayo jaraaidka Dowlada  iyo lona shegayo inuu tago taliska amaan ee ugu dhaw,  si loo ogaado qofkaas inuuu yahay qof geestay dhibkaas la tuhmayo hadii la waayo,ama uu ka dhaga adego u hogaamista sharciga amanka Dowladu eey ciqaabto.

Lakin taasi wexey dheceysaa marka eey Dowlada Iyo Dowlad Gobaledyada Furaan Albaabada xafisyadooda shacabkana taladooda eey dhibtaan balse intey xafisyada dowlada lagu galayo qabiil iyo nin jecleysi iyo al-shabaab oo duur ku jirtaa waxba iskuma dhamaan bulshada Somaliyeed,Dowlada Somaliyeed wexey ka dhexeysaa qomiyad Somaliyed oo rajo ka qabto iney dalkooda ku noladaan,balse nolasha dad weynaha waxaa hor taagan sarakil iyo madax Somaliyeed oo dantooda tahay kursiga ku fadhi markuu ka dhamado waqtiga iska dag dalalka Reer Yurub,



 Bulshada rayidka,saxafada madax banaan eey u istagan in la bad,badiyo shacabka Somaliyed ee maalin walba lagu gumadayo dalkooda hooyo,iyagoon wax dulmi ah galabsan,cid walba oo muwadin Somaliyedna waxaan ka codsanaya in uu ka qeb qaato qoshaha amaanka dalkena si eey umadeena ugu raxestaan amaan iyo nolo wanaagsan,waxaana dowladana waxaan ka codsaneynaa iney fuliso qorshaha amaan ee bulshadeyna doneyso.

Waxaan donayaa inaan ka hadlo intaan karo sidii uu dalkeyga u gaari lahaa amaan,xasiloni,kala danbeen,dad,baadin umadeena,iyo sarakisha cidankeena oo laga sacido sidey u shaqen la hayeen laguna gacan siiyo,waxaan filayaa hadii aan gacmaha is qabsano inaan ka adkaan doono kuwo shar wadayaasha ah ee cadeestay daadinta dhiiga umadeena Somaliyeed.

Hadii aad heyso talo Lagu sugi karo amaanka dalkeena ku so bandhig warbahinta dalkeena si eey u gaarto dowladeyna.

By Ahmed Halane

Email halane9@yahoo.com

Phone Numbar 006281260070149

1 comment:

  1. aad baa u mahadsan tahay fikirkiina waa ii muhiim hoos iigu reeb ama email iigu soo dir wixii talo ah

    ReplyDelete