Thursday, March 3, 2016

Fashilkii Golaha Wasirada,hay,adaha Amaanka Iyo Tala Xumada Odaysha Dhaqanka Kofurta Somaliya

29/2/2016 Waxaan qoray qoraal gaaban oo aan ku qoray fikir,kaas oo ahaa sidey bulshadeyda ku heli kartaa amaan buuxo oo eey ku nalaato,sadax maalmood kadib waxaa qabsomay kulan loogu magac daray daa,dajinta waxaha amaanka Dowlada Dhexe Ee Federalka Somaliya oo eey isugu yimadeen Golaha Wasiirada sida caada,da ah waxaa shir gudominayey Wasiirka Kow Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke waxaana kulan kaas ka soo baxay go,aamo dhanka amaanka u gaar ah waxaane kulan kaasi lagu casumay Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya Pro Xasan Sheikh Iyo Taliyaha Hay,ada Nabad Sugida Qaranka Taliyaha Ciidanka Boliiska, Iyo Wasirada Eey Sida Gaarka Ah U Quseyso Wasiirka Amniga,Wasiirka Arimhaa Gudaha,.

Warmurtiyedkan oo soo wada saren madaxweynaha,Re"iisul Wasaraha,Taliyaha Hay,ada Nabad Sugida,Taliyaha Ciidanka Boliiska,Wasarada Arimha Gudaha,Wasarada,amniga,Iyo Wasiirada Xukumada Dhamaan toot waxaa lesku raacay qodobo aan lagu qancin balse u dhawaa maqalkii aan qoray 29 feb bishii aan soo dhaafnay.

Qoralkii hore waxaan soo jediyey taloyin oo ahaa waxaha amaanka qaran eey u asxaan falaan umada,ciidamada amaanka iyo dadweynaha wexey u bahanyihiin isku xir iyo sida eey u kala qataan xogaha amaanka,balse waxaan horay qoralkeygii ugu sheegay ineysan Dowlada wali u bisleen xasiloonida,waayo bulshada waxaan iri ha loo sameeyo ID kaaro aqonsiyo ah dad weynaha si eey dowlada ugu tirakobnadaan lkn waxaa soo baxday ceeb ka ween,oo ah in ilaalada madaxda dowlada gaar ahaan xildhibanada iyo wasiirada dalka ee heer federalka somaliya eey qeeb ka yihiin dhibatada loo gesanayo bulshada tasina waxaa cadeen inoo ah marqaatina eey inoo fureen warmurtiyedkii ka soo baxay Xafiska Re"iisul Wasaraha 1/3/2016 eey soo sareen golaha wasiirada hay,ada nabad sugida qaranka iyo madaxweynaha wuxuuna u qornaa sidan, Qodobka Sadaxaad Farqadiis {B}In Ciidamadda ay wataan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kale ee dawladda ay sitaan aqoonsi u gaar ah.

Waxaa halkaasi bulshada ugu soo baxay iney dowlada somaliya heyso dhibaato ka timaaday ilaalada xildhibanada iyo wasirada oo uuna ka dagi la,yahay casimada somaliya gaar ahaan mugdisho,halka bulshada eey leheed nabad galyada xumada waxaa kenay shacab dayacay wajibkoda iyo UGUS oo ka faideysatay dayacaas.

Waatahay Anigoo sii wada doona qormadan maxaa kuu baxay?

Ka Ahmed Halane Ahaan waxaa ii baxday iney xukumada iyo waxaha amanka eey is tuseen ilaalada xildhibanada iyo wasiirada iney qarkood ka danbeyaan qaraxyada iyo rabshadaha ka jira caasimada Somaliya ee Mugdisho Marka Eey halkaas wax marayaan waxaana xasuustay "heeska eey ku luqeyso fanaanada codka macaan ee khadra daahir cige ee eheed"cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer dawada lama garayoo xanuun wali kuu geed bixin"waliba fanaanadaa marka eey qadeyso hestaa wexey heysataa gacanka foneyaha kumana qadeyso makarofan".


Dalka wuxuu soo maray xalado amaan iyo mid amaan xumo oo waliba oo wadnaha farta lagu hayey waxaase maanta ka xun mida eey ku jiraan shacabka Banaadir,hay,adaha amaanka ee qaranka hadii eey qaban wayeen holihii loo igmaday garana wayen sababaha amaan xumada kentay,misane taada eey ku aroortay xafisyada sare ee sirdoonka iyo shaqsiyaadyo aan xafiskoda ku weyn karin wax walba oo soo fod saraa iney dhintaan moyee si kalana eeysan ugu tageen xafiska Dowlad nimo,waa in shacabka Banaadir ku dhaqan eey ka tashadan amaanka iyo masiirka umadooda.

Waxaa mugdisho jooga odayaal dhaqan oo sheegta iney yihiin guurtida umada waxaana wada og nahay odayashan iney dhamaan ka xadiranaa xafisyada dowlada iyagoo sheganaya baahiyo bulshada ka tur jumeyso markii loo dhibo xogaa lacag ah uu ku shubanayo jebkiisa gaarka ah iyagoon eegin yaa dhintay yaa tabaleysan,,bulshada Koofurta Iyo Bartamaha Somaliya waxaan le yahay cidna idin ma maqno-celna idin ma qodno ee waxaa ku tusaalo qadataan maamuada dalka ka jira iyo dorka nabada eey ku gareen bulshadooda.

Madaama aan la heynin talisyo ciidamo amaan oo inoo qabta holeheen amaan waa inaan ka dhalin yaro ahaan isugu abaabul naa sidaan u heli leheen nabad galyo waarta oo aan ku nolaano.

Tusale Yaal Aan Ku Heli Karno Amaanka

ma jecli inaan maanta idin celiyo hab qabiil balse qabilku mahan wax ceeb ah oo laga faano hadii lagu qabanayo wax horumar ah oo aan qabil kale ama degaan kale wax u dhibeena ma qabo inuu wax bur-burinayo maxaa yeelay bal u fiirso doorka odayaasha dhaqanka goblada waqooyi 18/5/1991 waxaa kulamo yeeshay odayaasha gobalada waqoyi ee somaliya oo markaas xal u arkayey iney umadooda ka bad baadiyaan bur-bur hor leh iyo is qab-qabsi siyaasadeed ee ka curta deganaas waxaana xalka xiligaas loo arkay in gobalada waqooyi eey isaga baxaan midnimada Somaliyeed eeyna la baxaan Somaliland Republic Iyagoona markaas ku bad baadsanyey shacabkooda,kulamas oo ka kala dhacay galbeedka gobalada  Awdal Iyo Gobalka Canka Ah Ee Togdheer,waxaana kulamadaas qaban qaabiyey odayaasha dhaqanka waqoyiga,bal u fiirso nimaadka waqoyiga ka jira sanadii 1991 ilaa iyo 2016b odayaasha dhaqanka hadii eeysan aqbalin ajanda dowlada fulineyso sinaba looma dhaqan galiyo.
m,
Dhanka kale aan eegno maamulka Puntland oo aah maamul somaliyeed asigana waxaa laa aas aasay sanadii 1998 ilaa iyo maanta oo ah 2016 waxaa gacanta ku haya odayaal dhaqan oo logu yero Isimada Puntland waa maamul lamid ah kii Somaliland oo aan ka soo hadlay mana dhici karto iney maamulka puntland ka talaabsadaan Isimada Puntland bal fiir odayashii dhaqanka ee daga Koofurta Somaliya  maxaan ugu cudur darnaa,ma waalan yihiin?,shacabkoda wax dhibato uguma naxaan miyaa?,mise iyagaa iibsada dhiiga umada?,intaas iyo talo xumo farabadan ayaan ku heynaa odayasheyna dhaqan ee Koofurta Iyo Bartamaha Somaliya balse hadana ma lihi ha laga tashto odayasha oo meelo kala nabada ha loo doono.

Fiiri aad u dhuux labadaan tusaale hadii uu fal ka dhaco degnada eey maamulaan Somaliland Republic iyo maamulka puntland waxaa xabsiyada la dhigaa odayasha dhaqanka qebahooda kala duwan,ka ragoo hadana saar maamulka gobaleedka kale ee puntland state wuxuu isagna xabsiyada dhigaa hadii eey dhacdo qala-laasyo nabad galyada lid ku ah odayasha dhaqanka,labadaas maamul ee aan soo shegay wexey wakilo ka yihiin shacabka masna madaxa ayaa laga dilaa oo hadii eey dhibato dhacdo ee waa in la qabtaa madaxda dhaqanka cebna mahan ilaa la soo af jarayo dhibatada nucaas oo kale iney sii xirnadaan.

Doorka odaysha dhaqanka kofurta Somaliya.

Odayaasha ka so jeeda koofurta iyo bartamaha Somaliya anigoon u eegeen badnaasho degan iyo degan yaraan toona waxaan leyahay maanta waad gabteen inaad bulshadiina aad wax u qabataan kana qabatan qaswadayasha iyo xagjiriinta UGUS waadna ka gabiseen talada dalkana aad la wadaagtaan madaxda Somaliyed oo adinka aad inoo soo xusheen waxana og nahay inaad kursi walba oo Dowlada hadii la soo magacabayo inaad u xusul dubtaan inaad geysaan qof adinkoo ku xulanaya qabilkiisa iyo is afgarad oo aad ka heshaan qofka aad xuleysaan.

Lakin waxaa aad u ficneed in odaysha dhaqanka eey isugu yimadaan talo heer qaran ah adinkoo bad baadinaya umada Somaliyed ee ku dhaqan kofurta iyo bartamaha Somaliya sameestayna dalad idin mideyso oo aad u mada ku samata  bixineysaan.

Shacabka aad u tihiin odaysha dhaqanka maanta wexey u bahan yihiin shaqo adag oo lagu bad baadinayo ubadka jooga iyo kuwa maanta soo koraya kuna nol dalkoda hoyo diidayna iney galaan qaxooti ama dalkooda ugu cararaan cayayaan isa soo kashaday,iyagoona xaq u leh iney ku noladaan nabad galyo buxdo iyo ineysan dhibaato ugu imaan Dowlada iyo Kooxda xagjiriinta ah ee UGUS ex Al-shabaab oo maalin walba gumadayo shacabka aad dhasheen.

Doorka Ciidanka Amaanka Dowlada Somaliyed

Ciidanka amaanka iyo hay,adaha sar sare ee amaanka waa iney isku kenaan odaysha dhaqanka heer degmo iyo heer tuulo si Talisyada Ciidamada Loga sacido holaha loo igmaday eey ku fashilmeen si umada somaliyed eey u helaan nabad galyo ciidamadana eey u helaan nabad galyo.

Doorka Barlamanka 

Barlamanka Somaliya waxaa logu yeraa aqablka Golaha Shacabka iyagoona ka yimaaday soo xulid eey soo xuleen Odayasha Dhaqanka waana iney baarlamanka eey talada dalka dib ugu celiyaan odayasha dhaqanka si oday walba uu degaankiisa uu u horsedo inuu bulshadiisa ku hago wa,da,da nabad iyo Dowlad Wanaagsa loo fahan siiyo shacbiga qebihiisa kala duwan.


Doorka Saxafada Kofurta Iyo Bartamaha Somaliya

Doorka saxafada nabad galyada eey ku dhalin kartaa waa mid la yaqaano saxafadana waa midi laba seef leh oo kala ah mid nabada dadka tusto cid walba oo nabad diid ahna bulshada ka hor keeni karto,mida labaad oo ah iney bulshada saxafada bulshada u so bandhigto wixi wanag ah oo eey ku nabad galayaan bulshada eeyna ku hagto danaha dadka "Dad weynahaan hagnaa hanuuninaa haa saawinaa dadnta ku hagnaa"waa iney qadaa mar labaad si loo helo nabad galyo iyo hotumar.

Doorka Ururada Bulshada 

Ururada Bulshada rayidka ah ee koofurta iyo bartamaha Somaliya wexey maalin walbaa kenaan hoolo eey bulshada wax ugu qabtaan lakin waxaan jeclaan lahaa in maanta eey kenaan su,aasha ah sideen ku helnaa nabad galyo?xageen u marnaan bad-baadinta umadeena?Sideen ku helnaa nabad aan ku nolaano anagoon is leenin?

Farin Dhanka Amaanka Ah Iga Gaarsiiya Madaxda Qaranka

Madaxda Qaranka Dhamaan tiin waxaa ku timaden qabil iyo soo xulid umadana maanta waxaa ku bad baadin kartaan inaad soo xushaan cuqaal isimo umada bad-baadiya hadii aad le dihiin damac wax qabad si eey tariikhda idin xusto markaad xilka ka dagtaana aad ugu nolataan dalkiina guryaha quruxda badan ee aad ka dhisateen cidna eeysan idin ku heysan cidna eeysan idin ku xisaabinina dhaqalaha xafisyada aad maamushaan.

Suxufi ahmed Halane

Email halane9@yahoo.com

Indonesia Medan

Phone Numbar 006281260070149








No comments:

Post a Comment