Saturday, February 15, 2014

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliyeed Oo Laga Faafinayo Fadeexad Ka Dhan Ah+Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Oo Ka Jawaabay

 
UN monitoring Group oo ah Guddiga Q/Midoobay u qaabilsan la socodka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eratrea ayaa sida caadada eheed marale lugta qabtay hanaanka xureenta jamhuuriyada somaliya.
Kooxda daba galka u qaabilsan Golaha Ammaanka in Soomaaliya ayaa qaramada midowbay ka codsaday in dib loogu celiyo cunaqabateenka dhanka hubka ah dowlada dhexe ee Jamhuuriyada Somaliyeed.
Arinkan ka sopo yeeray kooxda daba galka cunaqabateenka hubka ee Somaliya UN monitoring Group ayaa waxa ay soo saareen warbixin horudhac ah oo ku sheegeen in hubka loogu saacido ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliyeed ay hubkaasi deeqda ah ay gacanta ugalaan haraaga argagixisada somaliya ee al-shabaab.
Guddiga ayaa soo bandhigay dhowr hab oo lagu xakamayn karo hubka galaya Soomaaliya kuna dhacaya gacmaha qaldan, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in lagu soo rogo cunno-qabateynta hubka Soomaaliya si buuxda ama loo helo nidaamyo iyo tallaabooyin adag oo lagu xakamaynayo lagulana soconayo hubka gacanta loo galiyey Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliyeed.
Dhawaan ayay ahayd markii guddiga dabagalka cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eratria ay ku eedeeyeen dowladda uu hogaaminayo madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyad Somaliyeed Pro Xasan Sheekh Maxmuud in hubka ay kasoo gadato dalalka Caalamka ay gacanta u galiso xarakada Al-shabaab, qaarna ku iibiso suuqyada Caasimada Jamhuuriyada Somaliyeed Ee Muqdisho.

Golaha Ammaanka ayaa cunno-qabateynta hubka kusoo rogtay Soomaaliya sannadii 1992-kii si loo joojiyo hubka faraha badan ee galayay Soomaaliya, kuwaasoo gacanta u galayay beelo dagaalamaya, Lamana oga sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga jawaabi doono dalabkan majaxaabinta ah ee ugu yimid UN monitoring Group.
Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) oo u waramayey idaacada laanta afka somaliya ee VOA ayaa beeniyey inuu jiro hub laga saaray xarumaha milateriga dowlada oo loo gudbiyey Al-shabaab ama kooxo kale oo sharci daro ah.
Jen. Indha-Qarshe ayaa wax lala yaabo oo xaqiiqda ka fog ku tilmaamay warbixinta ka soo baxday guddiga QM, isagoo xusay in warbixintaas ay tahay mid ujeedooyin gaar ah laga leeyahay.
Dhaleeceenta iyo sumcad ka dilista Ciidanka Qaranka Somaliyeed bilaamaya maalmo,bilooyin,sanado waana wax ay ku hadaaqaan dad lagu sheego iney yihiin muwaadiniin somaliyeed balse hadafka dhaleeceentaasi ay ula jeedaan xag siyaasadeed.
Dhanka kale ciidanka Xooga Dalka Somaliya Kama marno ceebaha laga tabanayo wallow ay yihiin ciidamo ka soo kabanaya bur-bur xoogan oo soo gaaray Qaranka Somaliyeed Iyo Dhamaan Hanaankii Dowlad Nimo Ee ka Jiray Dhamaan Jamhuuriyada Somaliyeed.




No comments:

Post a Comment