Monday, July 2, 2018

Fasahada Siyasaded Ee Villa Somaliya Oo Garatay In Qawiyaan Sawirana Ka Qatan Afahayeenka Galmudug

Maalinimadii shalay ee isniinta tarikhdana ku begneed 2/ jul 2018 waxaa isgooska sayidka gaari laga'la dagay afahayeenka maamulka galmudug oo socdaal ku jogay caasimada dalka,waxaana gacanta uu u galay koox gaangis ah ama burcad ah oo hugan shaatiga hay'ada nisa eeSirdoonka Qaranka.

Afahayeenka Maamulka Galmudug C/laahi Xaashi Farax (Roob da’ay) ayaa malinimadii shalay laga afduubtay isgooska kaabiga ku haya Madaxtouyada Somalya oo fadhi u ah Xafiska Madaxweyne Max'med C/laahi Max'med Farmaajo iyo Ra"iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kooxdii af dubatay Afahayeenka Maamulka Galmudug C/laahi Xaashi Farax (Roob da’ay) ayaa si kalsooni ku dheehantahay kala dagay garigiisa isla markaana gestay guri madoow asigo indhaha ka xiran,waxaana afahyeenka galmudug lagu amray in la barayo sidaas darteetna uu dhigo dhamaan dharka uu ugu horeeyo shaatiga,surwalka,garinka,bumada hoose iyo kabaha waxaana intaas kadib laga qaaday sawiro iyo vido asigoo leh waxaan ahay afahayeenka Maamulka Galmudug C/laahi Xaashi Farax (Roob da’ay),balse waxaa loogu jawabay wad aragtaa waxaan kaa qadnay sawiro iyo vido adigoo qawan hadii aad maalin danbe Dowlada Federalka aad edeen u jediso kuna qorto facebook inaad arki doonta sawiradadada adoo qawan",sidasna wuxuu afahyeenka xaqiijiyey markii uu xuriyadiisa la siiyey.

Sirdonka dalka hadii uu marayo inuu qawiyo masuliyiin maamul gobaled isla markaana uu ugu hanjabo hadii aad ku qanci weydo siyaasada villa somaliya waxaan bahineynaa sawirada iyo vido aan ka heyno,taasi wexey ka dhigan tahay in sirdonka dalka uu sii laba jibaray cadaadiska iyo ku dirqinta siyaasada villa somaliya shacabka iyo masuliyiinta maamulada dalka gar ahaan galmudug.

Hay'ada Nabad Sugida Qatranka wexey xaq u leedahay oo kaliya iney baarto dadka eey ugu shakiso ama eey ku heyso cadeemo qal qal galinaya amniga qaranka,madax banaanida iyo amniga guud ee dalka,wuxuuna xerarka barista shegayaan in la geeyo xarun Dowladeed ee aan a gesan guryo madow iyo cabsi galin ah.

Horay ayaan u ogeen in xabsiyada xamar eey ka dhacaan arimo nucaana balse meysan garsiis neen in masuuliyiinta dowlad gobaleed la qawiyo isla markaana loogu hanjabo iney si kal iyo laab u tageraan siyasada ku dhisan cadifada ee villa somaliya.

Sirdoonka dalka ayaa aad ula socda shaqsiyad yada Dowlada dhaliila isla markaana eeysan dagal kooda dhaf siisneen qoraal facebook la soo dhigo kaas oo aan noqon karin qaran dumin iyo bur bur sababi karo dhamaan Hay'adaha jamhuuriyada somaliyeed ee curdunka ah.

Taliska Qeybta Guud ee Gobalka Banaadir,Taliska Nabad SugidaGobalka Banaadir,wasarada amniga wasarada arimaha gudaha ha'adaha xuquuqul insanka ee Dowlada Federalka Iyo Maamulka Gobalaka Banaadir ayaan wali ka hadal anshax xumada eey ku keceen kooxahaasi burcada ah ee ku abtirsada Sirdoonka Dalka.

Dhacda nuucan ayey noqotay mid ku cusub saxada siyaasada waana fasahaada ku soo korartay siyaasada Villa Somaliya ee 2017 uu horseed uu ka yahay madaxweyne Max'med C/laahi Max'med Farmaajo oo ah masulka ugu sareeya qaranka isla markaana laga rabo inuu saxo qaladaadka ka dhaca dhamaan hay'adaha Dowlada.

Bal Daganashiyo u dhuux Dastuurka Dalka iyo Waxa uu ka qabo xad gudubyada nucaana

Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga Ah Ee Qofka Iyo Xaddidaadooda Qodka 13,15,16,18,19,22, dhamaan waxaa lagu xadgudbay xuquuqdii aas aasiga eheed ee bixiyey dasturkii la ansixiyey 1 agus 2012 muqdisho.


Hadaba dhacdhadan uu xaqiijiyey dhibanae Afahayeen C/laahi Xaashi Farax (Roob da’ay) ayeysan wali ka hadal ha'adaha eey quseso dhacdadan taasi oo ka marqaati keceyso in hool galkani eey wax badan ka ogayeen madaxda Dowlada ee siyaasad ahaan isaga soo horjeeda Maamulka Gamudug iyo C/laahi Xaashi Farax (Roob da’ay) .

Ahmed Halane

.

No comments:

Post a Comment