Tuesday, January 10, 2023

State masirkiisa u gaar yahay


Mamulka Puntland waa waqoyi bari somaliya oo kmaida Jamhuriyadii la unkay 1960, marka si kale loo sharaxana wexey qeyb ka eheed Somalia Italayan oo isracii lixdankii racday Somaliland Protactared.

Magaca Puntland waa dhulkii udgonaa 30 sano oo dowladnimo ah ahmiyad gara ama tarikh gara malehern Deganadasi sida eey wariyan dadka deganada Puntland ka soo jeeda, bur-burkii kadib 1998 waxaa la yagleelay Magaca Puntland 2004 markii hishisyo is fahana lagu garay Kenya Waxaa lesla gartay in Somaliya eey Qadato Hanaanka Federalka aana waxba laga badalin 18 kii Gobal iyo Casimada Dalka lahaan jiray ee Mogdisho.

Mar walba oo aad maqasho Dowlada Federalka Somalia waxaa kugu soo dhacayo hoyadii Federalka Oo loola jedo Puntland ma is weydiisay xagey Ku qoran tahay Mamadii Federlka? Madaxweyne sheikh shariif hishisyadii Garoowe 1, Garoowe 2 iyo Galkacyo 3 ayey gogol u eheed waxaana la meal marinayey Dasturkii Qabyo Qoralka ahaa si looga gudbo Axdi Qaramadkii 2004 Inbagaati.

Inyar aan dib kuu celiyo Sanadii 2000 shirkii carta iyo dhismihii Dowladnimadii Fashilantay ee Madaxweyne Abdiqasim Puntland iyo hogankeydii Madaxweyne Abdulahi Yusuf marna kuma qanacsaneen hanankii carta oo qexayey in Somalia Yelato Dowlad dhexe sidii 1960 ilaa 1991 oo kale.

Gundhiga manta kalay imow casirigii Federalka Somalia, Dowlada Federala 2012 ayaa dhisantay waana sida eey rabeen Hoganadii kala Duwanaa Puntland iyo wax garadkooda, shanmaamul Gobaleed oo kala Ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed, Juballand iyo casimada ayaa dhashay wax caqabad oo manta ka jiraana maleh Somalia marka laga reebo Argagixisada Somalia ee Al-shabaab.

Madama ula jedkeyga iyo soyalka uu Ku qotomo talabadii Punland eey xalay xiriirrka ugu jartay Dowlada Federalka waxaa sababay hanaan siyasiyintu isku hayaan hada waa punland iyo Villa Somalia!!!.

Dhibka iyo tabashada puntland waa qaladaad ka jira Dssturka Puntland Qodobka 3 ee Dasturka Puntland wuxuu leyahay "puntland wey u madax banantahay masirkeyda hadii eey Ku qancin hanaanka eey wax u socdan".

Mar walba oo cadadis kala kulman Madaxda Puntland wexey adagsaneyso waa awoda dasturka state 1998, oo siyabo kala duwan loo macnesto wax garadka iyo Bulshada Puntland marna kum qanacsano talaabo loga foganayo somalinimada balse hoganka Puntland ee markasi jooga ayaa Ku Rux ruxda Villa Somalia !!!!.

Arinkani sidee log gudbi karaa?

Waxaa loga gudbi karaa in aado wadatashi iyo diyarinta dhismaha New Puntland oo garwaden eey ka tahay Dowlada Federalka Somalia, waa in dib u Eegis lagu sameyaa dhamaan xuduudaha State, sami qeybsiga Puntland iyo in la masaxo dhamaan qodobada ka hor imanayo Dastuurka Federalka Somaliyeed ee 2012 lagu ansixiyey dugsiga Tababarka Police ka somaliyed iskola bolosiyo.

"Puntlland waa Dowlad Madax banaan rabta iney Ku dhax nolaato Dowlada Federal oo eeysan wadagin siyasad balse eey wadagan wax dheef maliyed".

Deganada Puntland waxaa Ku yala imigartion bixiya Pasaborada wax heer qarana lagu shegi karo  wuxuna si dadban u hos tagaa isla puntland.

4ta tali ciidan, lanta fulitan, lamaha Garsorka, lanta fulinta dalka iyo Sharci dajinta midna kuma lahan xafis!!!, bankiga dhexe Wakaladaha Warbahinta Qaranka midna kuma lahan xafis ama xarumo KMG " tasina wexey caden u tahay inusan Federalkuba garin Puntland.

Hooyo Federal sidee loo dhihi karaa hadeysanba deganada Puntland Ku oolin xarun Heer Qarana?.

Xalka hadii leska indho tireen waa yagleelid state siyadiisuna wafajisan tahay tan Federalka ama waa in maamulada lamidka ah eey iyaguna masirkooda u madax banan yihiin isla markaana federalka Villa Somalia mesha laga saraa curfiga soo jirenka ahaa ee masirka umada ugu gacan jiray Qaranka somaliyeed.

No comments:

Post a Comment