Wednesday, November 6, 2013

Akhriso War Murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Dib U Hishiisiinta Siyaasada Ee Gobalada Jubooyinka Wajigiisa Hore Ee Ka Dhacay Muqdisho

Waxaan Halkan Idinkugu Soo Gudbinayaa War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Dib U Hishiisiinta Ahaa Ee Looga Hadlayay Aayaha Gobolada Jubooyinka Iyo Gedo Kaa Oo Muqdisho Kasocday Mudo Afar Maalin Ah.
Halkan Ka Aqriso War Murtiyeedka

War Murtiyeedka
Horudhac
Iyadoo Laga Anbaqaadayo Fulinta Iyo Hergelinta Heshiiskii Addis Ababa Ee Bishii August 2013, Dowladda Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliyeed Waxay Qabanqaabisey Shir Weyne Dib U Heshiisiineed Ee Shacabka Jubbooyinka.
Shirweynaha Oo Socday Mudadii U Dhexeesay 3 – 6 November 2013 Waxaa Ka Soo Qayb Galay 200 Xubnood Oo Ah Ergo Ka Kala Timid Degaanada Kala Duwan Ee Jubooyinka. Ergada Shirku Waxay Si Hufan Uga Falanqeeyeen Sidii Heshiis Buuxa Loo Dhex Dhigi Lahaa Bulshada Degan Jubooyinka Iyadoo Laga Anba Qaadayo Heshiiskii Adis Ababa.
Qodaba Dooda Oo Ahaa Kuwo Muhiim U Ah Dib U Heshiisiinta Iyo Nabadeenta Jubooyinka Waxay Ahaayeen:
§ Horumarinta Nabadeynta Iyo Dib U Heshiisiinta. 
§ Kordhinta Amniga Iyo Isdhexgelinta Ciidamada Iyo La Dagaalanka Argagixisada. 
§ Kor U Qaadida Adeega Bulshada Iyo Dhaqaalaha. 
Dood Dheer Ka Dib Shirweynuhu Waxay Soo Jeediyeen Talooyinka Soo Socda:
Dhinaca Nabadeynta Iyo Dib U Heshiisiinta
1. In Si Buuxda La Iskula Qaato Heshiiskii Addi Ababa Ee Bishii August 2013.
2. In Bulshada Jubbooyinku Isku Tanaasusho, Iscafiso, Islamarkaana La Isku Celiyo Wixii Hanti Ah Lana Joojiyo Wixii Colaad Hurin Kara Iyadoo Loo Dirayo Fariin Nabadeed Dhammaan Deegaanadda Jubbooyinka.
3. In Maamulka Ku Meelgaar Ah La Wada Taageero Lana Dhameystiro Si Loo Wada Dhan Yahay Oo Ay Ka Dhaxmuuqdaan Dhammaan Beelaha Dagan Jubbooyinka, Iyadoo La Tixgelinayo Xuquuqda Beelaha Laga Tirada Badan Yahay, Dawladda Federaalka In Ay Gacan Ka Geysato Fududeynta Arrintaas.
4. In Loo Wareejiyo Qaybta Dambe Ee Dib U Heshiisiinta Magaaladda Kismaayo.
5. In La Xoojiyo Kaalinta Bulshada Rayidka Ee Jubbooyinka.
Arrimaha Amniga
1. In La Dhiso Hay’addaha Amniga Qeybahooda Kala Duwan Sida Booliiska, Xooga Dalka Iyo Ciidanka Asluubta. Kuwa Ciidan Aan Noqon Karina Shaqo Abuur Loo Sameeyo.
2. In Si Nabad Ah Dib Loogu Soo Celiyo Ciidamada Jubbooyinka Ee Degan Duleedka Magaaladda Kismaayo. Lana Mideeyo Ciidama Oo Dhan.
3. In Ciidamada Loo Dhameystiro Waxyaabaha Ay U Baahan Yihiin; Tababarka,Qalabka Iyo Inla Dhiso Maxkamad Ciidamada..
4. In Deegaanada Al-Shabaab Haystaan Xoreyntooda Ay Si Wadajir Ah Iskaga Kaashadaan Maamulka KMG, Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Iyo AMISOM.
5. In La Furo Xarumo Lagu Dhaqan Celiyo Dhalinyarada La Marin Habaabiyay.
Arrimah Bulshadda
1. In La Horumariyo Kheyraadka Goboladda Jubbooyinka Sida Xoolaha, Beeraha, Kaluunka Iyo Qeyraadka Dabiiicaga; Lana Dhiiri Geliyo Ganacsiga Iyo Warshadaha Gaarka Loo Leeyahay.
2. In Lasoo Celiyo Goobihii Waxbarashada, Lana Furo Dugsiyo Xirfadeed .
3. In La Sameeyo Daryeel Caafimaad Oo Tayaysan Lana Gaarsiiyo Ilaa Heer Degmo Iyo Tuulo.
4. Dowladda Federal Iyo Bulshada Caalamka In Ay Ka Kaalmeeyaan Gobboladda Jubbooyinka Sidii Dib Loogu Soo Celin Lahaa Adeegii Bulshada.
Mahadnaq
1. Ergadda Shirweynu Waxay Mahadnaq U Soojeediyeen Dawladda Federaalka Ee Soomaaliyeed Sida Weyn Ee Isaga Xilsaareen Soo Qaban Qaabinta Iyo Higelinta Shirweynaha Dib U Heshiisiinta.

2. Ergaddu Waxay Sidoo Kale U Mahadnaqayaan Gacanta Ay Ka Geesatay Beesha Caalamka Nabadeynta Iyo Dib U Heshiisiinta Goboladda Jubbooyinka Si Gaar Ahna Waxay Ugu Mahad Naqayaan Dawladda Itoobiya Oo Dadaal Dheeraad Ah U Gashay Ka Qeyb Qaadashada Dib U Heshiisiinta Goboladda Jubbooyinka.

No comments:

Post a Comment