Thursday, September 12, 2013

Taariikh Nololeedka Amiir Oo Dhawaan Ka Tana Sulay Fikirka Hogaamiyaha Mayilka Adag Ee Ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane

Cumar Shafiiq Xamaami oo loogu yeero Abuu Mansuur Al-Amriki waxaa uu ku dhashay magaalada Dafne ee gobolka Alabama ee dalka Maraykanka 6 bishii May sanad 1984 inkastoo la sheego inuu ku barbaaray magaalada Dimishiq ee dalka Syria oo uu asal ahaan uu ka soo jeedo.
Dib ayuu ugu laabtay gobolka uu ku dhashay ee Alabama halkaasoo uu ka galay Jaamacad oo uu ka dhiganayay maadada Injineeriyada.
Sanadkii 2004 ayuu u safray magaalada Toronto ee dalka Canada halkaasoo uu ku guursaday haweeney Soomaaliyeed oo dalka Canada qaxooti ku aheyd, sanadkii 2005-tiina isaga iyo haweeneydii Soomaaliyeed ee uu qabay iyo gabar ay u dhashay waxay dageen magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Bishii November sanadkii 2006 ayaa la aaminsan yahay inuu Soomaaliya yimid kadibna uu ku biiray xoogagii maxkamdaha ee Muqdisho la wareegay isagoo markii dambe raacay Al-Shabaab oo aheyd garab ka go’ay maxaakiimtii Islaamka isla sanadkaas ayaa la xusaa inay kala tageen haweeneydii Soomaaliyeed ee uu ka soo guursaday dalka Canada.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida uu Maraykanka uga soo tagay wararka qaarna waxay sheegayaan in sanadkii 2002-dii ay isku dhaceen aabihiis taasoo keentay inuu guriga ka tago.
Bishii October sanadkii 2007 ayay aheyd markii ugu horeysay ee lagu arkay meel fagaaro ah oo Soomaaliya ku taala xilli uu tababar siinayay dagaalyahano Shabaab ka tirsan gaar ahaan waxaa la sheegayaa iney goobtaas ay aheyd xerada Maslax oo ku taala xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Abuu Mansuur Al-Amriki waxaa uu Al-Shabaab ka dhex qabtay xilal kala duwan waxaana uu mar noqday taliyaha ciidamada Al-Al-Shabaab waxaana uu ka qeyb galay dagaalo ay Shabaabku Somaaliya ku galeen.
Haween kale oo Soomaali ah ayaa la sheegaa inuu guursaday kuwaasoo uu dhawaan isheegay inay ka qafaasheen ciidamo daacad u ah hogaamiyaha Al-Shabaab.
Markii uu soo baxay khilaafka ka dhex jira Al-Shabaab Al-Amriki marar badan ayaa la sheegay in la dilay marka waxaa u baraha internet ku faafiyay sawiro muujinayay dhaawac kasoo gaaray weerar ay ku qaadeen xubno taageersan hogaamiyaha Al-Shabaab xilli uu ku sugnaa Raama Cadey.
Maraykanku waxaa uu madaxa hogaamiyahaan ku doon doonayaan lacag dhan 5 million oo Dollar oo la siinayo cidda keenta xog ku saabsan Al-Amriki.

No comments:

Post a Comment