Friday, August 2, 2013

Taliayha Ciidanka AMISOM Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Warqab Uu Soo Qoray Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya


Wararka ka imaanaya dhanka iyo ilo wareedyo ku dhow xakuumada Somalia ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in Warqad uu qoray Madaxweyne Xasan Sheikh kuna socotay xafiiska Taliyaha Ciidamada AMISOM dib loogu celshay xafiiska madaxtooyadda Madaxweyne Xasan Sheikh.

Warqadaani uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud u diray Taliyaha Ciidamada AMISOM, ayaa la soo warinayaa inuu Taliyaha ku faraayay in Guddi uu dhawaan u diray inay booqdaan Xeradda Xalane iyo Hoteeladda Raaxadda ku yaalla Jaziira, uu Taliyaha dib u celshay Warqadaasi kadib markii uu ka biya diiday inuu fuliyo Codsigaasi, isagoona Taliyaha Madaxweyne Xassan u sheegay inay mamnuuc tahay in Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ay galaan gudaha Xalane iyo Hoteeladda.

Ujeedka uu Xasan Sheikh Warqadaasi ugu qoray Taliyaha ayaa ahaa si ay Gudigaasi uu magacaabay usoo Ogaadaan waxa ka socda Garoonka Muqdisho, Hay’adaha dagan Garoonka iyo dhismooyinka Garoonka ku yaala oo ka baxsan Howlaha Garoonka, hayeeshee uu Madaxweyne Xasan ku fashilmay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan ayaa ku guul dareystay Ujeedka Warqadaasi, waxa uuna aad uga xumaaday in isaga oo dalka Mas’uul ka ah la qadarin waayo qoraaladiisa, waxaana hadda laga cabsanayaa inuu bur-buro Guddiga uu Madaxweyne Xasan u magacaabay indha indheynta Goobahaasi sababo la xiriira dhanka Ammanka oo looga cabsi qabay inay Mas’uuliyiintaasi ka geystaan ama bixiyaan xogta Xalane.

Arrintaan ayaa waxa ay noqotay dhabar jab aad u xanuun badan taas oo muujinaysa in Madaxda sarre ee dowladda aysan iyagu go,aan toos ah ka gaari karin guud ahaan dalka Somalia waxayna imaanaysa xili bilihii hore askari katirsanaa ciidamada AMISOM uu dharbaaxo ku dhuftay Taliyaha ciidamada Booliska xukuumada dalka Somalia.

1 comment:

  1. sxb mahadsanid
    war galinta waxa aan halkan kaga mahad celinayaa sida wacan ee haboon ee aad dhamaan dadka adeegsada delegta aad ugu bayaamisay su'aalo badan oo ay iska waydiinayeen.
    waan kugu hambalyeynayaa
    halkaa ka sii wad dedaalka
    NASIIB WACAN

    ReplyDelete