Friday, August 2, 2013

Dowlada Eritreya Oo Badanaa Lagu Tilmaamo Ineytahay Dowalad Saacida Al-shabaab Oo Ka Hadashay Sida Ay U Aragto Dowlada Federalka Somaliya

Dowlada Eritreya oo si ween loogu xantu in ay taakuleeso ururka al-shabab oo ah urur la dagaalamo dowlada federalka somaliya xiriirna la,leh urur weynaha Al-qaacida.

Dowlada Eritreya ayaa markii ugu horeysay shaacisay ineuy si buuxda u aqoonsan tahay dowlada federaalka Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud.

Ereya Desta oo ah danjiraha Eritreya u fadhiya QM ayaa sheegay in qoraal ay arintaas ku cadeynayaan u gudbiyeen golaha amaanka ee QM.

“Eritreya si buuxda ayey u aqoonsatay dowlada federaalka Somalia, arintaasna golaha amaanka waan u sheegnay hase ahaatee illaa hadda waxba iskama bedelin mowqifkeenii ku aadanaa in Somalia laga daayo fara gelinta shisheeye” ayuu intaa ku daray danjiraha.

Mar la weydiiyey iney wadahadal la galayaan xiriir diblomaasiyadeedna la sameysanayaan dowlada Somalia ayuu sheegay safiirku in taasi ay waqti qaadan doonto, isagoo xusay in xalka Soomaalida uusan ku jirin gacanta shisheeye balse uu ku jiro gacanta Soomaalida ayna tahay in iyaga loo daayo.

Eritreya ayaa horey u sheegi jirtay ineysan aqoonsaneyn wax dowlad ah oo Somalia ka 
jirta, iyadoo dowladihii dalka soo maray sanadihii u dambeeyey ku tilmaantay iney yihiin kuwo aan ku iman rabitaanka shacabka ayna dalal shisheeye soo dhoodhoobeen.

Arintan ayaa ku soo aaday iyadoo Eritreya oo go’doon siyaasadeed la geliyey sanadahan dambe ay mudooyin isku dayeysay iney la soo baxdo siyaasado furfuran si ay kaalinteedii beesha caalamka ugu soo laabato, waxayna dhowaan sheegtay iney xubinimadeedii IGAD iyo midowga Afrika oo ay horey uga baxday dib u soo ceshaneyso.

No comments:

Post a Comment