Wednesday, February 26, 2014

Warbixin"Nin Kamid Ah Ragii Ku Taqa Susay Dil Suxufiyiinta Somaliyeed Oo Lagu Qabtay Magaala Madaxda Maamulka Galmudug


Ciidamada Amaanka Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay dhagar qabe ahaa Wiil dhalinyaro somaliyeed kana mid ahaa haraaga argagixisada somaliya eeal-shabaab.
Talisa ciidanka amaanka ee maamul gobaleedka galmudug state ayaa wiilkan dhalin yarada ah ay shaaciyey inuu kamid ahaa haraaga argagixsada somaliya ee al-shabaab.
Wiilkani ayaa sitay bastoolad iyo liis ay ku qornaayeen magacyada suxufiyiin somaliyeed oo xaga haraaga argagixisada somaliya ee al-shabaab ay ka go,need ineey khaarajiyaan suxufiyiintaasi magic yadooda loo soo dhiibay wiilkani.
Saraakiisha amaanka maamulka Galmudug ayaa maanta ku soo bandhigay koonfurta magaalada Gaalkacyo kooxo ay ku soo qabqabteen howlgalo ay xalay ka sameeyeen koofurta magaaladaas si loo xaqiijiyo amaanka iyo xasiloonida deegaanada ay gacanta ku hayaan maamulka galmudug state.
Taliyaha ciidamada amaanka maamulka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo G/Sare Maxamed Cali Nuur (Gidaar) oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in kooxaha amaan darada waday ee ay xalay qabqabteen uu ku jiray wiil dhalinyaro ah oo bastoolad ku hubeysnaa isla markaana sitay liis ay ku qornaayeen magacyo suxufiyiin somaliyeed oo la qorsheenayey in la dilo,ama loo geesto wax yeelo lid ku ah xuquuqda aadana iyo shareecada islaamka.
“Wiilkan waxaa uu ka tirsan yahay Al-shabaab magaciisa waxaa la yiraahdaa C/xakiin Xasan Maxamuud oo 16 sano ah, waxaana uu ka mid ahaa kooxo dad ku laayey xalay woqooyiga Gaalkacyo, bastooladii uu fal dambiyeedka ku galayna waan tanaa” ayuu intaa ku daray taliyaha ciidanka amaanka maamul gobaleedka galmud korneel gaashaanle sare Maxamed Cali Nuur.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Taliyuhu in sidoo kale ay howlgalkaas ku soo qabteen buug ay ku qornaayeen magacyada shaqsiyaad la qorsheeyey in la qaarajiyo oo isugu jira saraakiil, siyaasiyiin, weriyeyaal iyo dad kale oo ku sugan Gaalkacyo.
Warar hadda na soo gaaraya ayaa sheegaya in maamulka Galmudug wiilka ay qabteen ay ku wareejiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo gaaray xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo.


No comments:

Post a Comment