Wednesday, September 28, 2016

Tariikhda Ayey Galeysaa Dhacdadii Gadod

Dhamaan inta ku xiran Shabakada Wararka Codkaxorta.com Iyo http://mudanehalane.blogspot.co.id/ waxaan idin soo gudbinayaa dhacdo murugo leh oo ka dhacday degaanka Gadood oo dhacda Duleedka Magalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug Dhinaca eey ka arimiyaan Maamul Gobaleedka Galmudug State.

Sida aad la wada socotaan waxaa jira xifaaltan siyaasadeed iyo mid awood ku saleesan oo dhoor jeer si cad eey u arkeen bulshada somalida meel walba oo eey jogaan,waxaana xifaltan ka uu u dhexeyaa Labada Maamul Gobaleed Ee Hoos Taga Dowlada Federalka Somaliya.

Maamuladaan ayaa ah Maamulka Galmudug oo Fadhigiisu Yahay Degmada Cadaado Ee Gobalka Galgaduud iyo Maamulka Puntland Oo Fadhigiisu Yahay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobalka Nugaal.

Xifaaltanka u dhexeeya labada maamul ayaa ka bilowday in magalada gaalkacyo mid walba uu donayo in gacan ku heenta iyo maamulka ilaha dhaqalo ee Galkacyo uu si gaar ah u maamulo asigoon mid kale ka doneen tageero iyo wada shaqeen,waxaana mar walba dhaca isku dhacyo siyaasadeed kadibna dhala dagaalo dhax mara labada maamul iyagoona adegsanaya awoodaha cidamada iyo qabilada dagan Magalada Galkacyo Xarunta Gobalka Mudug.

Dagalada laba maamul ayaa soo laa,laabtay inta badana waxaa dhamesta khilaf yada nucaas ahaa ee soo maray lkn waxaan aad isku wey dinayaa dhibkii ka dhacay Gadood side loo xalin donaa?
Dhibka Ka Dhacay Gadood kofurta magalada Galkacyo wuxuu ahaa gumaad loo gestay Ciidamada Maamulka Galmudug waxaana u gestay Ciidamda La Dagalanka argagixisada ee uu hor bodayo Marekanka ee NATO waxaana warbixin lagu siiyey marekanka iney cidamadaas yihiin Xagjiriinta Al-shabaab wallow markii uu dhacay hool galka uuna soo dhamaday goobta lagu arkay ciidamadii Galmudug oo duqen arxan daro ah loo gestay,wexeena warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland sheegteen iney bixiyeen warbixintaa sidaana loo duqeye,wexena ilaa iyo haatan ku adkesanayaan in Duqentaasi loo gestay ee yihiin Al-shabaab iyagona benyey iney ciidamadaasi yihiin ciidankii galmudug oo farisin u eheed Gadood kofurta galkacyo.

Sababaha keentay qaladka intaa la eg ayaa ah Awood la,aanta Dowlada Dhexe ee Federalka Somaliya oo aan wax wargalin ah lagu siin in duqeen eey ka dhaceyso degaanka Gadood,waxaan aamin sanahay in hadii eey dowlada federalka ka warheen leheed inusan dhici lehen duqenta arxan darada ah ee loo gestay ciidamo targad u ah kuwa lagu shegay.

Cawaqib xumada ka dhalan dontaa ayaa ah in labada dhinac manta wixii ka danbeeyo eey sii kororto iyagoona lesku adegsan doono gacan walba oo shisheeye ee awood u leh iney wax gumaado,waxaana aad u sii kala figaan doona shacabka galkacyo oo ah shacab wada daga hadana kala dagan.
Waxaan sugnaa waa hadalka ka soo yeeri doona Dowlada Marekanka iyo Sida eey faahfaahin ugu bixin doonta duqenta,waxaana hubaal ah in la heli doono magtii askartii xaqdarada lagu dilay eeyna fadeexad iyo aamin xumo la kulmi donaan kuwii shisheeyaha u adegsaday walalaha galmudug.
Maamulka Puntland si cad oo jees jees ah ayuu u sheegay in dhamaan askartii la dilay eey ahayeen xagjiriin Al-shabaab ah, Masuul u hadleyey Puntland ayaa yiri “Information warbixintaasi anagaa dhiibnay si loo gumaado Maleshiyadka Al-shabaab”Asigoo ula jeedo cidanka Maamulka Galmudug,dhanka kale waxaa la sugayaa in dhawan galmudug eey ka jawaabto hadalkii ka soo yeeray maamulka Puntland iyo qorsheenta eey qorshesay gumadka lo gestay askartooda.

Maamuka galmudug ayaa garay manta gushii ugu weyneed kadib markii loo adegsaday gacan shisheeye waxaana Puntland eey ogaatay ineysan galmudug iska dhicin Karin dhanka awood ciidan sidaa darteetna eey u adegsato ciidamo shisheeye iyagoona warbixin ben abuur ah ku siiyey iney yihiin  Al -shabaab ahaa yeen.

By Ahmed Halane

No comments:

Post a Comment