Sunday, March 18, 2018

Mudane Jawaari Iyo Kheyre Keybaa Bur Burinaya Mustaqbalka Midnimada Somaliyeed?

Wax walba oo ka hor imanaya rabitan kaaga hadii aad la dagalanto waxaa ku sifesmeysaa sida koxda dhigya cabka ah ee Al-shabaab ama Ra"iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Kale,siyaasada waa aqoon iyo waayo aragnimo misane kuu dhertahay adkeysa una dhabar adegtaa cadaadiska kaaga imanaya xisbiyada Siyasaded,saxaafada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada aad wakilka u tahay.
Xasarada siyasaded ee manta ka tagan magalada muqdisho ee casimada dalka waxaa sabab u ah hoshiskii sadax gesodka ahaa ee ka dhacay dubia,Ra"iisul Wasaare Kheyre xiligii eey dheceysay ku xad gudubka xuduudaha dalka iyo dulankii qawanaa wuxuu ku sugnaa gobtii laga soo qaday dulanka,waxaana loo macnestay inuu qeyb ka ahaa shaqsiyad kii dulanka ku soo qaday midnimada Dalka.
Maalin kadib Kheyre oo soo garay Caasimada Dalka wuxuuna  aqriyey Warmurtiyed looga hor yimid dulankii midnimada Somaliya waxaana arinkaa uu farxad galiyey siyasiyiinta iyo dadka daneeya mustaqbalka Midnimada Somaliya,
Golaha Shacabka Dowlada Federalka Somaliya oo tageraya diidmada Ra"iisul Wasaare Kheyre iyo hishiskii Dekada Bar Bara ayaa si deg deg ah ku ansixiyey xerkii madax jabka ku noqday DP World Wexeyna Golaha Shacabka Kalfadhigiisa sadxaad meel mariyeen sharci dalka looga mamnuucayo shirkada DP World iyo dalalka dulanka ku qaday midnimada somaliyeed.
Hadaba hadii markii hore lesku wafaqay ilaalinta Xuduudaha Dalka iyo Midnimada Somaliyed maxaa kenay in Ra"iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu dulaan siyasaded Iyo Mid hubeysan uu  ku qaado Gudomiyaha Golaha Shacabka ee Dowlada Federalka Somaliya.?
1 Ra"iisul Wasaare Kheyre oo kayimid Dalka Mareykanaka ayaa xili habenimo ah soo garay muqdisho,wuxuuna arornimadkiiba ka qeyb galay Furitanka Barlamanka balse golaha shacabka ayaan waxba ka soo qaadin imashiyiisa iyo jogitankisa intaba waxana khudbad sharaf la siiyey Duqa Magalada Muqdisho Eng Yarisow,Kheyre wuxuu filayey in khudbad sharaf la siin doono balse ilaa iyo hada lama garan sababta looga tagay!!!. 

2 In Imaradka Carabta iyo Shirkada DP World oo daneenaya inuu fulo hishiskii bar bara eey xogaa jebka u galiyeen Ra"iisul Wasaare Kheyre si uu hagar daamo ugu maleego Gudomiyaha Golaha Shacabka oo ansixiyey xerkii lagu mamnucay DP World inta uusan wali sixiixin Madaxweynaha.

Moshin eey keneyneen 45 Xildhibano oo kamida Golaha Wasiirada iyo iyo koox xildhibaano ah ayaa soo jediyey in moshin xil ka qadis ah wexeyna xldhibanadaa garayeen 107 mudanayaal waxaana moshnkaa dib ugu laabtay 16 waxaana soo hartay 92 xildhibaan,gudiga jogtada ee barlamanka ayaa markiiba ka faristay wexeyna shegen in moshinka uu gubtay madaama loo bahan yahay 93 xildhiban oo soo jediya moshin xil ka qadis ah.

Go'anka markii uu soo baxay Gudomiyaha Golaha Shacabka Mudane Jawaari iyo Gudiga Jogtada ah ee Barlamanka ayaa shir jaraid wada qabtay wexeyna shaciyeen in moshinkii uu ku soo dhamaaday fashil iyo fadexad,barqanimadii isla malintaa waxaa dulaan hubeysan soo qaday Ra"iisul Wasaare Kheyre oo la wareegay xaruntii golaha shacabka,mudane jawari ayaa qeylo dhan deg deg ah u dirsaday besha Midowga Africa,Jamacada Carabta,Ururka IGAD iyo Midowga Yurub wuxuna ku wargaliyey in xaruntii golaha Shacabka uu la waregay kheyre.

Calamka ayaa go'aamiyey in si deg deg ah xarunta eey kula waregan aminigeyda Ciidamda Midowga Africa ee AMISOM sidaasna waxaa lagu soo afjaray Werarkii argagixiso ee uu soo qaday Kheyre.
Gudomiyaha sharciga golaha shacabka mudane max'med jawaari waxaa lagu eryanaa maxaa isku hor istagtay dulanka eey hor bodayeen somaliland oo ka shaneysa imaradka carabta iyo dowlada Ethiopia si meel looga dhaco midnimada Somaliyeed.

Muwadin walba oo Somaliyed waxaa wajib ku ah difaca dalka, dagalka kowadna waxaa la galeynaa madaxda diidan inuu dhaqan galo sharcigii lagu mamnucayey dulanka bar bara.

Cid walba oo Jecel Mustaqbalka Midnimo waxaa muhiim ah iney ka hor timaado werarada argagixisa nimo ee ka imanaya Ra"isul was a are xasan xasan Cali kheyre iyo xildhibanada moshinka ka keenay gudomiye jawaari kuwasi oo ku sifoobay iney dulaan ku yihiin midnimada iyo madax banaanida Qaran Somaiyeed.

Midna ogaada madaxweyne farmaajo asigoo ku sugan muqdisho ayuusan wali sixiixin xerkii golaha shacabka iyo aqalka sare dalka ugu mamnuceen DP world, tasina waa mida Mar walba sii kicineyso xasarada siyasaded ee manta jirta. 


Dagalka siyasaded ee manta somaliya ka jiraa waa mid noga timid khalijka iyo bariga dhexe waxaana a am in sanahay in dagal kaasi inuu kenay siyasada dabacsac ee manta uu dalka ku jiro horsedna ka yihiin madaxweyne farmaajo iyo Ra"was a are kheyre.

No comments:

Post a Comment