Tuesday, July 30, 2013

Dowlada Saaxiibtinimada La,Ah Dalka Somaliya Oo Dalka Eritrea Ku Eedeeyey In Ay Taageerto Kooxaha Xagjiriinta Al-shabaab Ee Somaliya


Dowladda Itoobiya ayaa mar kale ku eedeysay Eritrea inay sii wado taageerada ay siineyso Kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya Dina Mufti ayaa u sheegay Wargeyska Sudan Tribune in Eritrea ay qatar ku tahay dadaalada dhinaca nabada ee Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.

Mr Mufti ayaa sheegay inay hayana cadeymo la xiriiro in Eritrea wali sii wado taageerada, isla markaana ay jebineyso qaraarka Golaha ammaanka ee QM ee cunaqabateynta Hubka.

Ergeyga Eritrea u fadhiya Midowga Afrika oo ay la xiriirtay Sudan Tribune ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo eedeymahaas.

Sanadkii 2009-kii ayay aheyd markii Golaha ammaanka uu cunaqabateyn ku soo rogay Eritrea doorka taageero ee dhinaca milateriga iyo tababarka ay siiso Kooxda ku xiran Al-Qaacida.

Cunaqabateynta Golaha ammaanka ayaa laga mamnuucay saraakiisha milateriga iyo siyaasiyiinta inay safarada dhinaca dibada.

Xukuumada Asmara ayaa dhowr jeer oo hore ku cel celisay beeninta eedeymaha loogu jeediyo inay taageerto Al-Shabaab. 

No comments:

Post a Comment