Wednesday, July 31, 2013

Haraaga Al-shabaab Oo Ooda Ka Qaaday Maxaabiis Kenyaan Ah Oo Ay Inbadan Gacanta Ku Hayeen


Labo sarkaal oo ay afduubeen ciidamada Alshabaab intii lagu gudo jiray weerar ka dhacay waqooyi bari dalka Kenya sanadkii lasoo dhaafay ayaa lasii daayay, sidaasina waxaa ku dhawaaqay madaxtooyada dowlada Kenya.
“Labo Kenyan ah oo ay afduubeen Alshabaab 11 Janaayo 2012, ayaa lagu sii daayay wadahadalo lagu guuleystay oo ay sameeyeen bulshada xuduuda ee gobolka waqooyi bari”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay aqalka madaxtooyada dalka Kenya.
Labada waxay kala ahaayeen Edward Yesse Mule, wuxuu ahaa sarkaal degmo iyo Fredrick Irungu Wainaina, oo qeyn diiwaan gelinta u qaabilsan deegaanka Wajir, ayaa la sheegay in iminka ay dib ugu biireen qoysaskooda xaaladoodana ay tahay mid wanaagsan, sida warka lagu sheegay.
Marka laga soo tago sheegida sii deyntooda ma jirto faahfaahin laga bixiyay waqtiga iyo halkalaga sii daayay labadan muwaadin ee Kenyan-ka ah.
Saraakiishaan ayaa la afduubay in lagu jiray weerar ka dhan ah ciidamada booliska ee deegaanka Gerile oo ka tirsan Wajeer, oo ku yaala dhanka xuduuda Somalia.
Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay afar ciidamada booliska ah iyo hal sarkaal iyo seddex ruux ay kusoo afduubteen dadkii weerarka fuliyay, laakiin dowlada Kenya ayaanan war kasoo saarin ruuxii seddexaad iyo sida xaaladiisa tahay.
Tiro Kenyan ah oo ay ku jiraan ciidamada amaanka iyo kuwo booliska ah ayaa la sheegay in wali gacanta Alshabaab ay ku jiraan.

No comments:

Post a Comment