Wednesday, July 31, 2013

Shacabka Reer Zinbabwe Oo Maanta U Dareeray Doorashooyinkii Madaxweyne Iyo Baarlaman


Olalaha doorashooyinka aya ahaa kuwo si nabad galyo ah kaga dhacay dalkaasi Zimbabwe, iyadoo aan lasoo sheegay wax warar qilaafaad ku salaysan oo olalaha ka dhacay.
Doorashadii ugu dambeysay ee heer madaxweyne shan sano ka hor waxay sababeen is qabqabasho la xiriira natiijada, waxaana markii dambe lagu hishiiyay dowlad wadaag.
Doorashada maanta ayaa dalkaasi ka bilaabanaysa iyadoo dadka ay u wada diyaarsan yihiin ceynta, waxayna lasoo idleyn doonaa 5 galabnimo, iyadoo natoojada la filayo in lagu dhawaaqo shan maalin gudahood.
Xaalada amaanka ayaa aad loo adkeunayaa iyadoo aad loosii adkeynayo amaanka caasimada dalkaasi ee Harare, iyadoo dadka badankood la fasaxay si ay doorashada isugu diyaariyaan.

No comments:

Post a Comment